Dhiigyacab Meles oo la xaqiijinayo inuu qabo cudurka dilaaga ah ee Leukemia.
Wariye u dhashay dalka Itobiya oo baadhitaan xoogan ku sameeyay sir aad loo qarinayo ayaa shaaca ka qaaday inuu KT Meles la liito cudurka loo yaqaano Leukemia oo ah Kaansar ku dhaca dhiiga. Wuxuu sheegay wariyahan inuu Meles daawayn u tagay meela kala duwan oy ka mid tahay caasimadda Belgium ee Brussels oo todobaadkii la soo dhaafay uu isbitaal ka galay. Wuxuu intaa raaciyay in ilo lagu kalsoonyahay ay u xaqiijiyeen in aad looga dayrinayo caafimaadkiisa taasoo keentay in shirar iyo munaasabaad badan oo la filayay inuu ka muuqdo la baajiyay ay ka mid tahay shirkii baarlamaanka oy ahayd inuu fadhiyo sida ku xusan dastuukooda.
Warar ayaa intaa ku daraya in cuduro isbiirsaday ay hayaan Meles oo qaarkood xagga maskaxda yihiin iyo kaadimacaan (diabetes) nooca 2aad ah iyo waliba cudurka nafsiga ah ee quusashada ama (depression).
Wuxuu sheegay Wariyaha baadhitaankan sameeyay in qaar ka mid ah dadka ugu dhow Meles ay u sheegeen inuu culayskiisa aad u dhinmay (weight loss), taasoo sabab looga dhigayo daawooyinka lagula dagaalamo Kaansarka si loo badbaadiyo noloshiisa. Waxaa la warinayaa inay dhkhtarada Belgium-ka u sheegeen inaan wax badan laga qaban karin cudurka haya oo noloshiisa ay gabaabsi tahay.
Waxaa aad u qasan ayuu yidhi wariyaha dadka xukunka ka agdhow oo isku haysta qofkii lagu badali lahaa Meles haduu ka sii daro iyagoo u kala jaban laba koox oy kala hogaaminayaan General Samoro Yunis iyo wasiirka Is-gaadhsiinta Berket Simon. Ninka madaxa ka ah sirdoonka Iobiya (ENISS) ayaa taageeraya Gen. Samuro meesha ay madaxda TPLF taageerayaan Berket Simon.
Jabhadaha hubaysan ayaa lagu warinayaa inay xoojiyeen weeraradii ay ku hayeen ciidamada Itobiya ka dib markii la ogaaday inuu xanuunsanayo Meles, iyadoo dagaal dhex maray jabhadda Tigreega ee xukunka Meles diidan (TPDM) ay dagaal xoogan ka bilaabeen gudaha Itobiya halkaasoo todobaadkii hore ay ku laayeen 43 ka mid ah iyo dhaawac badan ciidanka Itobiya ee EDF.
Wixii ka soo kordha waan la socon doonaa.
ONA.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13931














