Kamiino lagu jabiyay Ciidamada Woyanaha
| Wararka nagasoo gaadhaya xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo kadhacay wadanka Ogaadeeniya, dagaaladaas oo isugu jiray kamiino iyo weeraro ayaa waxay u kala dhacaeen
10/07/2012 Deegaanka lagu magacaabo Lax-maal oo katirsan Dagmada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo kamiin ay halkaasi ka xidheen cutub katirsan NH/CWXO ayaa waxaa si indha la’aan ah ugu soo galay gaadiid milatari oo ay lahaayeen askarta Gumaysiga Ethoipia, waxaana halkaasi lagaga gubay gaadiidkii gumaysiga Halbaabuur iyo askartii saarnaydna halkaas ku idlaaday, iyadoo sidoo kale khasaara balaadhan lasoo gaadhsiiyey gaadiidkii kale ee lasocday gaadhiga dabka lasaaray.
Waxaa kale oo iyaguna jira dagaalo ka dhacay Deegaanada kala ah Falfal oo katirsan Dagmada Dhagaxbuur iyo Gobaha oo iyana katirsan Dhuxun taariikhdu markay ahayd 09 iyo 11, July 2012 Dagaaladaas oo aanan kahelin faahfaahin dheeraad ah ayaa waxa askarta daalan ee gumaysiga lagu gaadhsiiyey khasaare lixaadle. ONA |
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13964















