Q2aad. Habkii loo asaasay Hawaarinta iyo dambiyada ay shacabka ka galeen
Markii gudidii dawlada Ethiopia u xilsaartay ay soo dhamaystireen baadhitaan-koodii ku wajahnaa habka loo samayn karo ciidanka loo baahanyahay, hawshii waxay ku soo wareegtay maamuladii loo sameeyay fulinta qorsha-ciqaabeedka Kililada.
Dhanka Jigjiga waxaa durbadiiba la gudagalay ururinta dhalinyarado bilaa camal ah da’dooduna aad u yartahay, sida ku qornayd barnaamijka. Jinacsani Ayay ahayd magaaladii ugu horaysay ee xero looga sameeyo maleshiyada, waxaana loogu wanqalay magaca kuwii bixiyay kaligood ay yaqaanaan oo ah Liyu police. Waxaana hogankeeda loo dhiibay Habaar-waalid qabe Cabdi ILay (ina ubo). Qalabka ugu horeeyay ee hawshooda lagu bilaabo wuxuu ahaa 20 gaadhi oo nooca pick up loo yaqaano iyo dhawr baabuurta xamuulka ah oo dhamaantood laga soo dajiyay dakada Port Sudan waxaana ku deeqday shirkad Shiina ah. Waxaa Jinacsani looga furay tababar loogu talagalay inuu noqdo mid aan horay loo siinin ciidan deegaan, waxaana xooga la saaray carbinta dhinaca maskaxda ah.
“Dib u curashada waxay aheyd eray nagucusub laakiin noo macaan: waxaanu u turjumanay dib u sixid dadkii khaldanaa. 2ba sano kadib ayuunbaan fahmay in dib u curashadu ama dib-u –dadayn laga lahaa ujeedooyin kale”, ayuu yidhi nin katirsanaa Hawaarinta.
Hadaba barnaamijka “dib u dadaynta” waxaa bixin jiray laba nin oo ku takhasusay cilmiga military psychology. Barnaamijka “Dib-u-Dadayn (Re-Humanizing) ee la siinayay dhalinyarada la soo ururiyay, wuxuu ahaa barnaamij qofka maskaxdiisa lagu badalayo oo ka koobnaa arimahan; in marka ugu horeysa laga dhaadhiciyo Naftiisa wax uga qaalisan inuusan jirin, ka dibna laga dhaadhiciyo in ONLF ay naftiisa duulaan ku tahay, ka dibna laga dhaadhiciyo in bulshada dhamaanteed ay ONLF tahay ama raacsan tahay, sidaa darteed waa cadawgaaga ee dilka kala hormar, ka dibna la yidhaahdo waxaa naftaada badbaadin kara oo kali ah midkan kula qaatay barnaamijka Dib-u-Dadaynta.
Waxaa qasab lagaga dhigay in la-tababarayaashu qaataan duruusta nimankaasi bixin jireen, waxayna dhamaadka duruustaas laga qaadayay imtixaan lagu aqoonsanayo “dib –u-dadayntooda”, waxaana halkaas lagu kala calamadsanayay raga durbaba isbadalay iyo kuwa wali aan isbadalin, xulashada hogaaminta iyo ruqsaynta labaduba waxay kusalaysnayd natiijada imtixaankaas. Kadibna waxaa loo gudbayay qaybaha kale ee tababarka.
Tababarka dhanka militariga (dagaalka), waqtibadan lama siinin, waxaase si buuxda awooda loo saaray tababarka dhinaca baya’da (environment) sida deegaanka, dadka iyo duruufaha.
“Waxaanu soconaynay waqti dheer waxaanuna wax cunaynay waqti aad u yar iyo cunno aad u yar, waxaana nala xafidsiin jiray magaca tuuulo kasta iyo qoyska daga iyo cidda u talisa. Waxaa kale oonu xafidnay ninkasta oo ONLF ah qoyskuu ka soo jeedo, walaaladii ama waalidkii iyo deegaankooda”. Waxaa yidhi Dhimbil Cabdulaahi oo ka soo baxsaday Hawaarinta.
Sidaan ku hayno warbixino badan, ciidankan looma diyaarinin faltan-militari inay galaan waxaase loo diyaariyay hawlokale. Xogaha aanu helnay dhamaantood meelna kumayna xusin in la siiyay tabar iyo tabaha ciidan uu kula faltamo ciidan ka soo horjeeda, hasa ahaatee waxay u muuqatay in danta laga leeyahay ka duwanaayeen intaas.
Dadka aanu waraysanay iyo xogaha kaleetoo eynu helnay waxay intuba tibaaxayaan in Madaxda mamulka Jigjiga ragbadan oo kamid ahi ay qaateen tabarka Dib-u curashada ama Dib-u-dadaynta, si wanaagsana ay isula jaan qaadeen iyaga iyo malayshiyada hawaarinta oo Dib-loo-Dadeeyay.
“Aad ayaanu u yaabnayn markii lagu dhawaqay darajooyinkii iyo dalacsiintii ciidanka liyu-police. Saaxiibaday oo dhan waxay filayeen in anigu aan kamid noqon doono hogaaminta ciidan, aniguna xataa tuhunkaa waan qabay laakiin xataa magacayga lama sheegin, sababtana waxaan u malayn inay tahay aniga oo wali sidaydii ah oon ruux kale noqonin balse wali anigii iyo maskaxdaydii aanay kala hadhin” ayuu ku kaftamay nin aan teleefoonka kula hadalnay oo wali isu arka in lagu khasaaray kana sii mid ah Hawaarinta.
Ka dib markay saraakiishii Itobiyaanka ay iska dhaadhicyeen inay ka gudbeen caqabadii 1aad ee tabarka iyo xulashada madaxda ciidankan Hawaarinta, waxaa laguda galay in maamulku xal u raadiyaan mushaharaadka malayshiyada. Arintan oo kamid ahayd sida la rumaysan yahay dhibaatadii loo kala diray malayshiyadii hore ee FETNO.
Khudbad C-Ilay u jeediyay Hawarinta wuxuu ugu sheegay inay mushahar lamid ah kan ciidanka Ethiopia ay leeyihiin, waxaa kaloo uu u sheegay in raashin qamandi ah la siin doono. Khudbada wuxuu u jeediyay ciidnkii tababarka loo xidhay, wuxuuna ugu sheegay si waafi ah oo uu kula dardaarmayay shaqada ONLF la dagaalankeeda mid aan ahayn oo kale in laga doonayo, waxayna u badnayd khudabadiisaa colaatansiin beelo iyo jifooyin ama deegaano. Waxaa ka muuqata khudbadiisa uu ciidanka u akhrinayay waqtigaa oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee tijaabada ahaa, meesha ama beelaha laga soo xulay. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisa;
“Waxaad tihiin ciidankii ugu tayada fiicnaa, ugu mushahar badnaa ,ugu tirada badanaa ee deenkagu yeesho. Waxaa kale oon idin xusuusinayaa inaad tihiin raggii aabayaashood loo diiday inay taliyaan, ama ugaasyo noqdaan gabayadana loo tirin jiray. Maanta waxaan idin siinay jaanis aad kuwii islawaynaa, dalka dib u dhaca ku sameeyay aad kula dagalantaan”.
Daauud Axmar ayaa isaguna u sheegay maleesiyadii Hawaarinta in Hogaamiye wanaagsan loo doortay uu ula jeedo cabdi Ubo. Wuxuu yidhi; “Waa hogaamiyihii ugu haboonaa inuu gadh-qaado ciidan noocan ah”.
Waxaa hubaal ah in ereyadaa uu Da’uud Axmaar ku hadlay ahayd runtii uu ebid sheegay inkastoo uu ka shalaytooday markuu isagiina cunay, sababtoo ah Cabdi ilay waa ruxa kaliya ee ogolaan lahaa inuu hogaamiyo dhalinyaro loo carbiyaya inay heerahooda rogaan. Nin kii yaraanta hooyadii ku habaartay oo suuqa Dhagaxbuur lugta ku jiiday, waynaanta hooyooyin kale hadh ku seexinmaayo.
Sida ku cad xogaha aanu helnay mushaharka ciidankan Hawaarinta la siiyo, waxaa si buuxda loogu wajahay oo laga jaraa deeqda abaaraha iyo horomarinta loogu gobolka talagalay, waxayna dawladda dhexe xaqiijisay in aan lawaayin deeq raashin, oo noqota mushaharka kaliya ee rasmi ahaan loo siiyo Hawaarinta.
Waxaa intaa udheer oo nolosha Hawaarinta kamid ah dhaca xoolaha dadwaynaha iyagoo loo sheegay in badeeco kasta oo saran baabuur aan laga lahayn Ethiopia (Axmaar ana Tigray wadanin) ay xalal u tahay malayshiyada, taas oo macnaheedu noqday waxii Somali leedahay guud ahaanba waa idiin xalaal.
Hadaba waxaa siwayn loogu dhagtaagayay ficilada ciidankani ku dhaqaaqo, waxana dawlada dhexe eeEthiopiaay 4jeer kormeer ku samaysay goobaha tababarka waxayna goobjoog ka ahaayeen xafladii soo xidhitaanka ee qaybtii 1aad ee maleesiyada.
Maalmihii ugu horeeyay ee hawlgalkooda (hawaarinta) ayaa si wanaagsan loo bartay waxay yihiin iyo wixii la soo barayba
Q3aad ayaynu ku soo qaadanaynaa hawlgaladii ugu horeeyay ey fuliyeen iyo wixii ka dhacay.
ONA – I- Office.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13968














