Ogaden News Agency (ONA)

Shirar ay qabteen OYSU Seatle iyo Shir Stokhlom lagu sagootiyay Dhalinta Scandenevianka

Waxaa shalay galab Shir Soo dhaweyn & sagoontin isugu jira ka dhacay Magaalada stochkholm ee Wadankan Swden.

shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka OYSU Sweden ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweynayay Dhalinyarada oysu ee ka kala timid wadamada Natherland, Denmark, Norway & dhamaan gobolada Wadanka sweden.
Shirka ayaa ujeedooyinkiiisa ugu muhiimsan ay ahaayeen sidii looga qeyb gali lahaa shirka OYSU qaarada Europa ee ka furmi doona wadanka Finland 16 -ka bishan july.
dhalinta ayaa dood dheer & fikiradooda kala duwan ka dhiibanayay sida ugu wanaagsan ee looga mira dhalin lahaa shirkan iyado shirkan la sheegay in sanadkan uu wax yaabo badan kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay. finland ayaa lagu tilmaamaa inay tahay meelaha sida weyn ay dhalinta uga helaan marka ay noqoto marti galinta shirarka dhalinta.
dhalinyaro aad u tira badan ayaa doonta ka raacday subaxa saaka ah wadanka Sweden iyagoo in ka badan 12 saacadood bada kusii dhex jiri doona.
hadaba guud ahaan OYSU world wide-ka gaar ahan OYSU sweden waxay shirka Finland ee Qaarada Yurub u rajeynayaan inuu noqdo mid si guul ah kusoo gaba gabooba ujeedooyinki iyo hadafkii laga lahaana laga gaaro.
Ilwad Ali
ONA
Sweden/Stockholm.
Shir aad u balaadhan oo ay qabteen Ururka Dhalinta OYSU Seattle:
Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay culumaa’ dudiinka magalada Seatle iyo xubnaha Ururka OYSU iyo dhamaan jaaliyada Seatle Washington. Jabarti Ismacil ayaa shirka furay waxa uuna kusoo dhaweeyay Naciima Maxamed Ismacil oo marti sharafta shirka aheyd.
Naciima waxa ay halkaas kusoo bandhigtay Macluumaad laxidhiidha Qaxootiga Ogadeniya ee kusugan xeryaha Qaxootiga kenya oo ay iyadu kasoo diyaarisay xeryaha qaxotiga maclumaad aad muhiim u ah oo ay si tafatiran ula wadagtay shirka dhalinta OYSU seatle.
Shirka OYSU seatle guul ayuu kusoo dhamaaday waxaana halkaas ka hadlay masuliyiinta Jaaliyada Seatle oo guubaabo iyo dhiiragalin xoogan kasoo jeediyay.
ONA

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13984

Posted by on Jul 15 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

1 Comment for “Shirar ay qabteen OYSU Seatle iyo Shir Stokhlom lagu sagootiyay Dhalinta Scandenevianka”

  1. mansha allaah walle oysu maalin iyo haben halganbay wadaan insha allah wad gadhaysan hadafkina ee marna hakadalina guul iyo gobanimo

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,120
  • Last 7 days: 56,318
  • Last 30 days: 243,490
  • Online now: 20
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com