Wafti uu Hogaminayo Hoganka Arimaha Dibada JWXO Cabdiraxman Mahdi oo ka dagay Finland
Masuulka ayaa ka qeyb qaadan doona shir Ururka Dhalinta Somalida Ogadeniya ee OYSU Qaarada Europe ay ku qabanayaan magaalada Helisinki ee wadanka Finland. Waxaana hoggaanku uu shirka ka yahay marti sharafta ka hadli doona. Waxaa la filaya in hoggaanku uu kusugnaado goobtaas isaga iyo wufuud kale oo kasocda Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya mudada shirkan dhalint ka socda caasimada Finland.
Shirka Dhalinta ayaa ah mid sanad le ah oo sanad kasta lagu qabto goob kamid ah qaarada Europe. Waxaana sandkan kii ka horeyay uu ka dhacay magalada Oslo ee Wadanka Norwey.
Wufuuda shirka oo ay kamid yihiin aqoonyahano iyo qeybaha bulshada Somalida Ogadeniya ayaa waxaa sioo kale ilaa hadda iska soo dabadhacaya wafuud kakala timid wadammada ay kakooban tahay qaaraddan yurub.
Shirkan ayaa ah shir qaarad kastaba ururada dhalinta OYSU gooni u qabsadan sanad kasta, waxaana mid kan la mid ah hada uu kasocda magaalada Perth, Australiya oo shirkii qaarada OYSU Pacific, Waxa bishan bilowgeedi OYSU Africa si guul ah magalada Kenya ugu qabsomay shirka noocan oo kale ah halka bishii hore qaarada America ay OYSU North AMerica ku hirgalisay magalada Meneapolis shirka noocan oo kale ah.
Hadaba shirka oo bari si toos ah u furamaya kala soco ONA
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=13997

















