Shirweynihii Midowga dhalinta iyo ardayda Ogadeniya ee Europe oo si rasmi ah u furmay caawa.

hadaba sidii lagu balansanaa waxaa soo gaadhay xarunta uu ka dhacayo shirku ee magaalada Salo dhamaan wufuudii ka kala socotay qaarada yurub. Sida wadamada ay kamidka yihiin UK, Denmark, netherland, swden, swetzerland germany,  norway iyo  wadanka martigeliyey shirkan xagaaga ee Finland.

Hadaba  islacaawaba abaarihii 10:00 fiidnimo ayuu dhacay kulankii ugu horeeyay oo Dhalinta OYSU isugu yimadan munasabadan. islamarkaana is araga dhalinta ayaa laga dheehanayey wejiyadooda farxad iyo bogaadin ay isu hayaan. sidoo kale waxaa si buuxda looga arkayay siday diyaar ugu yihiin wax u qabashada shacabkooda dulman goobkasta iyo goorkastoy joongaanba.

Shirka muhiimadiisa ayaa beri 9:00 subaxnimo la gudagelidoonaa hadii eebbe idmo.

kalasoco wararkayaga danbe  ONA


ONA

 

salo, Finland
Cabdiraxmaan jarari

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay