Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Denmark ayaa si diiran uga qayb gashay shalay(Sabti 21-05-2011) xaflad balaadhan oo loogu dabaal dagayay sanadguurada 20aad ee kasoo wareegtay goortay Eratariya xoriyadeeda ka qaadatay gumaysiga madoow ee Itoobiya oo ku beegnayd maalintii shalayto ahayd.
 
Jaaliyada ayaa si rasmi ah loogu marti qaaday xafladaasi waxaana ka qayb galay wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Xasan Macalin oo madasha ay ka dhacaysay xusidaasi ka jeediyey khudbad taabanaysay macaanka xoriyada iyo in lagu gaadho adkasi iyo midnimo sida shacabka Eratariya,wuxuuna gudoomiye Xasan khudbadiisaas ka codsaday dowlada Eratariya iyo dowladaha jecel xoriyada umadaha weli la gumaysto inay garab istaagaan shucuubta weli ku hoos jira gumaysiga siiba shacabka Ogadenya oo weli si arxandarro leh ay u gumaysato Abasiiniya.
 
Xaflada sanadguurada Xoriyada Eratariya ayaa waxaa kasoo qayb galay marti sharaf badan oo ka scoday dowlada Denmark iyo axsaabta mucaaradka ah,waxayna iyaguna halkaasi kasoo jeediyeen khudbado ku qotomay dimiquraadiyada iyo horumarka,waxaana dhamaan loo rajeeyey shacabka Eratariya horumar iyo badhaadhe.Qaybtii dambe ee xaflada ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee shacabka Eratariya halkaas oo ay habeenkii xalay aha aoo dhan ku damaashaadayeen.
 
ONA/Copenhagen-Denmark

 
 

1 Comment

  1. wiiljwxo says:

    waa si fiican, ……
    Ogaadeeniya ha xorawdo, Eritrea ha noolaato ha barwaaqawdo.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay