Ururka  OYSU  qaarada  Europé   ayaa  15/7/2012 isugu  yimid   kulanweynihii ururka magaalada Salo ee dalka Finland. Waxuuna shirku si caadi ah u furmay maalinimadii labaad 9 Aroornimo ee 16 July 2012.

Shirka  oo  ahaa  mid  si  heer  sare  ah  loosoo  aggaasimay  ayaa waxaa martisharafta shirka kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyada dalka Finland   Mudane  Maxamed  Digaale oo gacmo furan kusoo dhaweeyay dhamaan marti sharafta dhalinta OYSU ee qaarada Europe isaga kala yimid si ay shirweynaha ururka OYSU ee heer qaaradeed uga qeyb galaan. Waxa uu Gudomiyuhu sido kale aad ugu mahad naqay Madaxda Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya isaga oo kusoo dhaweeyay shirka Hoggaanka Arrimaha Dibada JWXO  si  uu u  furo  shirka dhalinta OYSU.

Hoggaanka Arrimaha Dibada JWXO Dr Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maaday) oo hoggaaminaya wafti heer sare ah oo ka socda hoggaanka sare ee  Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ayaa dhalinta aad ugu boggaadiyay halganka xoogan ee ay ku jiraan kuna garab taaganyihiin qadiyadooda Ogadeniya. Waxa kale oo uu aad u amaanay Jaaliyada Finland ee marti galisay shirka dhalinta OYSU isaga oo mahad naq balaadhan u diray Ururka OYSU Finland iyo guud ahaan Jaaliyada. Hadalo kooban kadib Hoggaanku waxa uu daahfuray shirka dhalinta OYSU Qaarada Europe 2012.

Mudane Gama’diid ku xigeenka  hogaanka  HAAB ayaa isna  dhalinta kulankooda  kala  qayb  qaadanayay  oo isna  u mahad celiyay  dhalinta  kuna  dhiira  galiyay  inay  laba  jibaaraan  dadaalka  ay  wadaan  ee ay  ugu  jiraan  shacabkooda  dulman ee S/Ogadenia.

Kadib  waxaa  la galay  soo bandhigidii  warbixinada  wadamada  qaarada  Yurub  ee  OYSU, Maadaama  ujeedada  kulanka  la isugu  yimid  uu  ahaa  qiimayn  lagu  qiimaynayay  wax  qabadkii  urur  hoosaadyada  OYSU  ee qarada  Europé  &  walibana  siminaaro  aqoon  korarsi  lagu kobcinayay  garaadka  & aqoonta  dhalinta. Qeybtii hore ee Shirka ayaa waxaa xidhiidhinayay Xoghayaha Jaaliyada Finland Mudane Cabdullahi Shukri.

Siminaaro

Sooyaalka Taariikhda 

Xoghaya  guud  ee  OYSU  Mudane  mujaahid   Sh. Ibraahin  Cabdale  ayaa  soo jeediyay  barnaamij  loogu  magac  daray  sooyaalka  taariikhda  oo  aad  loowada  jeclaystay  xiisad  badana   xambaarsanaa,   waayo  waxay  taabanayeen   wax  yaalo  badan  oo    soo  jiidanayay  dhagaha  dhalinta. Mudane  Mujaahid  oo  ah  hogaamiye  daacada,  misna  u fuliya  hawlihiisa  si  hufan  ayaa  dhalinta  aad  ugu  booriyay  kuna  adkeeyay  inay  dhan  ka  ahaadaan  wax  allaala  waxii  lid  ku  noqon  karaya  arimaha  halganka.

Illaalinta Iyo Horumarinta Hiddaha Iyo Dhaqanka Ogadeniya

 Dr Abdirahman  Sh  Mahdi    sidoo  kale  waxuu kasoo  jeediyay  asagana  siminaar  ku saabsanaa  ilaalinta  hormarinta   hidaha &  dhaqanka  Ogadenia. Hogaanku  waxuu  dhalinta  ku  guubaabiyay  inay  u diyaar  garoobaan  kuna  tala  galaan  inay  tagaan  dhulkoodii  hooyo  oo ay  la  qayb  sadaan shacabka Ogadeniya  marxaladaha  ay  ku  sugan  yihiin,  maadaama  ay  dhalintu  tahay  kuwa  laga  sugayo   xornimada  Ogadenia.  Sidoo  kale  waxuu  faray  inay  maal-galin  usameeyaan  dhulkooda  hooyo  tusaale  ahaana  ay  sameeyaan  wax  yaalaha   ay ka  midka  yihiin  farshaxanka,  inay  is  dhex  galka  ururada  kale  badiyaan, sidoo  kale  waxuu  ku  dhiira galiyay  kuna  bogaadiyay  hawlaha  dhalintu  ay  halganka  u qabataan  inay  yihiin  hawlo  aad  u wanaagsan  siina  laba  jibaaraan .

Hoggaanka Arrimaha Dibada JWXO ayaa siminaarkisa uga faa ideystay innuu dhalinta lawadaago oo uu dhalinta  uga waramay Xogag ku aadan Halganka Ogadeniya iyo qorshayaashii ugu danbeyay ee Ururka JWXO oo ahaa arrimo aad loogu bogay oo dhalintu aad usoo dhaweyeen.


Qabyaalada iyo Qadiyada Farqiga u dhaxeya!

Gabagabadii   siminaaradii  maanta  ayaa  ahaa,  siminaaro  aad  loo  jeclaystay waxaana kamid ahaa siminaar  ay  soo jeediyeen   halgamayaasha  kala  ah  Leyla Hassan   & Hassan Nuur  oo ayagana  soo bandhigay  qabyaalada  & qadiyada  farqiga  u  dhaxeeya. Siminaarkan oo si cilmiyaysan loo soo bandhigay ayaa waxa aad loogaga digay qabyaalada xumaanta ay leedahay iyo burburka ay ku keento halganka.

Sikastaba   ha  ahaatee  dhalinta  ayaa  arintaas  aad  uga  dooday  kuna  gaba gabeeysay   guul  &  hufnaan,  is  afgarad  wanaagsan  &  inay  ka  madax  banaan yihiin  qabyaalada  &  wax  walboo  hor  seedi  kara  kala  qaybsanaanta.

 Isku  soo  wada  duuduuboo  waxaa  kaloo  goobta  shirka  ku  sugnaa  fanaaniinta  qaranka  S/Ogadenia  halgame  Yusuf   Yare, Yusuf  Cabdi  &  walibana  Nimca  Jibaax  oo  heesa  qiira  badan  oo  wadaniya  shirka  ka  qaadayay, dhanka  kalana  dhalinta  OYSU  ayaa  dad  weynihii  usoo  diyaariyay  riwaayad  qiima  badan  laguna  xusayay  sanad  guuradii  OYSU.

Kala  soco  wararka  dambe  wakaalada  ONA.

Ilwad  Ali iyo Abdirahman  Jarari

Finland/Salo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay