Sawiraanta Shirka oo Badan Hoos Ka daawo:

Qudbadihii Maanta ka baxay Shirka OYSU Qaarada Yurub.

Nidaamyada Dhaqalaha loo maamulo:

Waxaa  abaarahii  9:00 aroornimo  si  habsaamiya  u  bilowday   barnaamijyadii   loogu  tala  galay inay  baxaan  maalinka  3-aad  ee  shirka, sidaa  darteed  Mudane  Abdinasir  Abdinur ayaa  soo  bandhigay    siminaar ka hadlaya  arimaha   dhaqaalaha.

Mudane  Abdinasir

waxuu  kusoo  bandhigay  siminaarkiisa  qaabka  xisaab  xidhka  loosameeyo, muhiimada   xisaab xidh loo sameeyo & saldhiga  xisaabaadka  (IWM) si kastaba  ha  ahaatee Abdinaasir  oo aqoon u leh xisaabaadka ayaa si hufan  oo  waliba  tayaysan  oo  ay  aqoon  ku  dheehan  tahay ugu  faa’ideeyay  dhalinta  shirka  kasoo  qayb  gashay.

Muxaadaro Diini Ah 

Mudane Salaad C/laahi Kaahin oo ah xoghayaha UK ahna xoghayaha Qaarada Europe ayaa waxa uu soo jeediyay Muxaadaro Diiiniya kuna saabsan Yawmal qiyaamaha oo uu ugu talo galay xubnaha madasha isugu yimid innuu ku wacyigaliyo. Maadama xubnaha meesha isugu yimid dhamaan ay yihiin dad muslimiin ah lagama maarmaana ay tahay in la is xasuusiyo Allaah ka cabsiga ayaa waxa qorshayaasha ururka OYSU kamid ah goob kasta oo la isugu yimaado in Wacyi badan lyo isku baraarujin xoogan laga sameeyo Diinta Islaamka iyo dhanqanka wanaagsan ee Ummada Islaamka sidii loo raaci lahaa loogana badbaadi lahaa shirkiga iyo sheydaanka.

intaas kadib waxaa laguda galay Work-shop iyada oo halkaas la isku weydaarsanayay doodo ku aadan cilmibaadhis lagu xoojinayo Halganka shacabka Somalida Ogadeniya. Waxaa kale oo laga dooday hanaan socodka Ururka OYSU heerqaradeed iyada oo xisaabtan wanaagsan iyo isqeemeyn lagu sameeyay shaqooyinkii Ururka ee heer qaaradeed iyo heerwadanba.

Waxaa Goob joog ah oo lasii socon dona inta uu ka dhamaan doono shirkan gudomiye ku xigeenka HAB Mudane Gama’diid.

Kulanki maalinka saddexaad ee shirweynaha OYSU qaarada Yurub ayaa maanta guul kuso dhamaday lana soco kulamada maalmaha dhiman adigo markale soo booqanaya ONA.

Ilwad Ali/ Abdirahman  Jarari

Salo, Finland

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay