Shir  sanadeedkii  OYSU  qaarada  yurub  oo  galay  maalintiisii 4aad,  ayaa  sidii  caadada  ahayd wuxuu bilowday saaka abaarihii 9:00 subaxnimo maadaama  sidaas  lagu  balansanaa, aayadaha  qur’aanka  kariimka oo hadiya jeer shirka  lagu  furo  kadib wuxuu ku bilowday seminaar ku saabsan   xuquuqul  insaanka  oo  uu soo jeediyey Afhayeenka  OYSU qaarada Europé ahna xogyaha OYSU Sweden mudane Amin Barkhadle. 

 

HADAFKA IYO YOOLKA OYSU

Xoghayaha guud ee OYSU mudane Mujaahid Sh. Ibraahin Cabdalle ayaa si cilmeyeysan usoo jeediyey Seminaar ku saabsan hadafka  iyo yoolka Midowga dhalinyarada iyo ardayda soomaalida  Ogadeniya iyo waxyaabuhuu ururku hiigsanayo ama yoolkiisu yahay, sidookale waxuu  dhalinyarada  fahansiiyay waxyaabaha  aasaaska u ah ururka iyo mabaa’diidiisa.

Intaas kadib Xoghayaha Guud waxaa kale oo uu soo jeediyay Siminaar kale oo la xidhiidha Taariikhda Ogadeniya iyo Kheyraadka uu dalku leeyahay.

Seminaarkaas oo ay dhalinyaradu aad u xiiseynayeen ayuu xoghayuhu si heersare ah uga xaqab tiray.

 

Siminaradaas kadib waxaa loo baxay Qado iyo xooga nasasho ah waxaana dib markale loo furay shirkii  waxaana  codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey mudane Xasan Nuur oo ka hadlay abaabulka iyo kor u qaadida tayada dhalinyarada.

Waxaana siminaarkan loogasii munashaqooday  dood cilmiyeed dhalinyaradu kadoodeen qaabka loo abaabuli karo bulshada. halkaas oo lagasoo saaray qodobo horumarineed oo mustaqbalka kor u qaadi doona wacyiga bulshada.

 

Dr Farxaan oo kamid ah aqoonyahanniinta da`da yar ee OYSU ayaa isna ka hadlay Cafimaadka iyo ahmiyadisa.

Dr. farxaan wuxu aad ugu dheeraaday  sida loogu baahanyahay dhakhaatiir aqoontooda uga faa´iideeya dadkoodii. Waxa kale uu kawarbixiyey dhacdooyin uu goobjoog ka ahaa oo dalkii ka dhacay waxaanna ka mid ahaa hadaladiisii  in xasuuqa ka socda dalkii uu noocya badanyahay uunna yahay isir goyn.

Wuxuu sheegay mudanuhu inuu ka ahaa goobjoog booyad gumeysigu leeyahay oo magaalada biyo u dhaamin jirtay biyahaasuna ay sumaysnaayeen

 

Meesha kama maqnayn madadaalo dhextaalo ah

Dhalinyarada Oysu finland ayaa soo bandhigay  bandhig ka hadlaya marxalada dalkeenna iyo dadkeenu ku suganyihiin bandhigaas oo ay aad uga maqsuudeen daawadayaashii OYSU iyo martidii kaleba.

Shirka oo beri soo xidhmi doona ayaa lagu sheegi doonaa go´aamaadii  iyo baaqii kasoo baxay hadii eebbe idmo

Kalasoo wakaalada wararka ONA

 Ilwad ali/ Cabdiraxmaan jarari

ONA


SALO/finland

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay