Shirweynaha OYSU qaarada Yurub ayaa kulan 5 maalmood soconayay waxa ay isugu yimadeen magalada Salo ee wadanka Finland. Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Maamulada dhalinyarada heer qaradeed iyo Xubno firfircoon oo kamid ah Ururada dhalinyarada ee qaarada Yurub. Sidoo kale waxaa joogay oo siminaaro ka bixinayay marti sharaf matalaysay Maamulka sare ee Jabhada ONLF iyo masuliyiin kamid ah kaadirka Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya kuwaas oo siinayay casharo iyo siminaro dhalinta OYSU qaarada Europe.

Kulankan ay dhalintu isugu timid Heer qaaradeed ayaa ah kii labaad oo noocan oo kale ah iyaga oo hada ka hor isugu tagay Magalada OSLO ee wadanka Norwey. kulamada noocan ah ayaa u jeedoyinkoodu yihiin sidii dhalinyada ay isugu baran lahaayeen wada shaqeynta dhexdooda ahna ay u xoojin lahaayeen. Sidoo kale waxa uu kor u qaada wacyiga dhalinta maadama oo la siinayo casharo aad muhiim ugu ah wacyiga dhalinta kuna aadan howlaha Ururka ee ay qabtaan.

Hadaba 5 maalmood oo kaamil ah ayaa dhalinyaradu waxay u xaraysnayeen tababaro dhinaca maamulka, Asluubta, Dhaqanka wanaagsan, Wacyiga Halganka iyo guud ahaan xogag badan oo ku aadan dhulkooda hooyo lagu siiinayay. Waxaana la filaya dhalinyartu in si nidaamsan wadamadooda markay ay ku noqdaan ay dib casharadaas usiin doonaan xubnihii kale ee matalayeen.

Dhalinyarada ayaa laga fogeeyay caasimada Helisinki iyada oo loo door biday Salo oo ku haboon shirarka noocan oo kale ah.

shacabweynaha Somalida Ogadeniya ayaa dhowraya kulanka OYSU ee qaarada Europe dardarta uu sii galin doono dhalinta Europe iyo guud ahanba halganka ogadeniya.

ONA ayaa kasoo diyarisay kulankan  dood cilmiyeed iyo wareysiyo isugu jira maqal iyo muuqaal oo dhowaan aan idinla wadaagi doono. Balse Waxa filayna in maanta qodobada shirka kasoo baxa iyo gunaanadka shirkan kala soco ONA.

ONA

Ilwaad/ Jarari

Salo, Finland

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay