Waxaa caalamka islaamka u dhalatay bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Marka laga yimaado af-xidhashada Soonka iyo acmaasha shaqsiga ah sida salaada iyo qur’aan akhriska, waxay nooga soo wariyeen Asaxaabtii Rasuulka CS in Bisha Ramadaan uu Rasuulka CS kala dagdag badnaa khayrka dabaysha roobka wada;

عن عبدالله بن عباس رضي الله عنهما قال : ” كان رسول الله صلى الله عليه وسلم أجود الناس ، وكان أجود ما يكون في رمضان حين يلقاه جبريل ، وكان يلقاه في كل ليلة من رمضان فيدارسه القرآن ، فلرسول الله صلى الله عليه وسلم أجود بالخير من الريح المرسلة ” . رواه البخاري   

 Waa bishii aynu xasuusan jirnay xaasaska uu gumaysiga soo barakiciyay iyo Agoonteena tabaalaysan. Markaad u fadhiisato afurka adiga iyo xaaskaaga waxaa lagama maarmaan ah inaad xasuusato inuu jiro xaas u agoontoobay qadiyadda oo laga yaabo inuu dul fadhiyo meel madhan ama xoogaa afmarin ah la soo hordhigay.

Qofkii khayr badsi doonayow, Rasuulka CS wuxuu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah oo sooman inuu leeyahay ajirkiisa oo kale, iyadoon midkoodna laga dhimin ajirkiisii soonka.

عن زيد بن خالد الجهنى رضى الله عنه عن النبي صلى الله علية وسلم قال: (من فطر صائما كان له مثل اجره غير أنه لا ينقص من أجر الصائم شئ) رواه الترمذي وقال: حديث حسن صحيح

Qiimi aan culays badan ku saaraynin, isla markaana Baahi tiraya Walaaladaa oo tabaalaysan, aakhirana ku farxad galin doona Inshaa Alaah waxaa kaa kaalmayn doona Haya’adda daryeelka Agoonta iyo Naafada Geeska Afrika.

Qoyskii waxaa ku filan $5-8 dollar maalintii. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu khayrkaa ina waafajiyo. Hadaad niyaysato ku dhaqaaq hana yareysan wanaagga xataa maalin afurin ah hadday tahay.

Waxaad kala xidhiidhaa Teleefoonka Xoghayaha Haya’adda oo ah;

+254 7236 25215.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay