Go’amadi shirka OYSU kasoo Baxay iyo Baaq
Waxaa magaalada Salo ee Wadanka Finland maanta kusoo xidhmay shir ururka Dhalinta OYSU Qaarada Europe ay isugu yimadeen. Kulankan oo socday 5 maalmood ayaa waxaa ururka dhalinyaradu ay ku qaateen siminaaro, Casharo, iyo barnaamijyo kale oo badan oo ururka OYSU heer qaaradeed soo diyariyay. Shirkan ayaa waxa kaqeyb galay Masuliyiin sare oo kascoda Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya, Aqoonyahnka Somalida Ogadeniya iyo xubno waayo arag u leh dhaqdhaqaqyada Dhalinyarada.
Hadaba Kulankan oo guul kuso dhamaaday 19/July 2012 ayaa waxaa ururka OYSU soo saarey Go’amadan hoose oo ah sida hoos ka muuqda:
GO’AAMADII SHIRKA KASOO BAXAY
1. Ururka Midowga Ardayda Dhalinyarta Soomaalida Ogadenia waxay go’aan ku gaadheen si jamac ah iyo shaqsi ahaanba inay shaqadooda ugutaan.
2. Ururka Midowga Ardayda Dhalinyarta Soomaalida Ogadenia waxay go’aan ku gaadheen inay hadaf midaysan danahooda ku gaadhaan.
3. Ururka Midowga Ardayda Dhalinyarta Soomaalida Ogadenia waxay go aan ku gaadheen in qaabkasta oo ay gumaysiga kaga hortagayaan ay isticmaalaan, af iyo adinba.
4. Ururku waxuu go’aan ku gaadhay qaybihiisa kaladuwan ee sida khaaska ah utaba baran inay danahooda fuliyaan.
5. Ururku wuxuu go’aa ku gaadhay inay xooga saaraan hay’adaha Human rightska.
6. Ururku wuxuu go’aan ku gaadhay inuu muuqaal iyo qoraalba soo bandhigo dhacdada dhabta ah ee gudaha dalka soomalida ogadenia ka jirta.
7. Ururka Midowga Ardayda Dhalinyarta Soomaalida Ogadenia waxay go’aan ku gaadheen xubinkasta inuu fuliyo awaamiirtiisa.
8. Ururku wuxuu go’aan ku gaadhay in caruurta lagu barbaariyo sooyaalka taarikheed sida diinta, hidaha iyo dhaqanka soomalida Ogadenia
9. Sidookale waxay go’aan ku gaadheen inay xooga saaraan soo kasbashada dhalinyarada u dhalatay dalka Somalida Ogadenia
10. Ugu danbayntii ururka Midowga Ardayda Dhalinyarta Soomaalida Ogadenia waxay go’aan ku gaadheen in xooga lasaaro tayada waxbarasho, korna looqaado si ay uga saaraan dadkooda iyo dalkooda guumaysigu kuhabsaday iyo jahliga.
CAMBAARAYN
Ururka Midowga Ardayda Dhalinyarta Soomaalida Ogadenia wuxuu cambaaraynayaa gumaysiga & gumaadka itoobiya ka jira ee ee iskugu jira mid muuqda iyo mid qarsoonba, sida jidhdilka iyo kufsiga ee uu ku hayo shacabka Somalida Ogadenia. Wuxuu sidoo kale canbaarayn udirayaa dadka iyo shirkadaha garab siinaya gumaysiga itoobiya gumaadka ku hayo shacabka aan waxba galabsanin ee Somalida Ogadenia. Sido kale wuxuu canbaaraynaa siyaasada foosha xun ee uu gumaysiga usoo diray dibada ee ku salaysan qaybi oo xukun.
BAAQ
Ururka Midowga Ardayda Dhalinyarada Soomaalida Ogadenia Wuxuu ugu baaqayaa dhamaan shacabka Somalida Ogadenia sida Ugaasyada,Ganacsatada,Aqoonyahanka,Ururada Bulshada iyo Dhamaan waxgaradka inay sii xoojiyaan kana daalin mar walba kahoortaga gumaysiga. Ururka dhalinyarada laamihiisa ka hawlgala dhamaan dacalada aduunka waxaa loogu baaqayaa ineey usoo bandhigaan dunida xorta ah tacadiga iyo gaboodfalada sida joogtada ah loogu samaynayo shacabka birma geeydada. Wuxuu sidoo kale shirku baaq udirayaa Haayadaha u dooda xuquuqul insaanka inay si toos ah xooga usaaraan xad gudubka ka dhanka ah shacabka Somalida Ogadenia lagu hayo, kuwaas oo ku jira xabsi korka ka banaan. Gabagabadii Ururka Midowga Ardayda Dhalinyarta Soomaalida Ogadenia waxaan baaq mahadnaq udirayaan Jaaliyaadka Somalida Ogadenia ee caalamka iyo bahweeynta ururka dhalinyarada ineey shacabkooda hiil iyo hooba la garab taaganyihiin.
OYSU/
SALO, Finland
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14289














