Xerada qoxootiga dhadhaab ee dhacda woqooyi bari wadanka Kenya waa xerada aduunka ugu wayn ee uu kujiro dad qoxooti ah waxaana ku jira dad kabadan 550,000 shaqsi oo qoxooti ah oo ukala dhashay wadamada Somalia, ogadenia, Uganda, Burundi, eritrea k/suudaan iyo qoomiyada oromada ee uu gumaysto qabiilka tirada yar ee tigree

Xeradan qoxootigii ugu horeeyay waxaa ladajiyay sanadku markuu ahaa 1991 waxaana u buuxsantay 21 sano caruurtii kudhalatayna waxay kuyeesheen reero iyo caruur. hadaba xeryaha dhadhaab oo ahaan jiray 3 xero oo kala ah xagar-dheere, iffo iyo dhagaxlay ayaa hada maraya 5 xero oo waxaa ku biiray kuwii hore xeryaha kala ah iffo 2 iyo iffo 3.

xeryahan qoxootiga ee dhadhaab waxaa kuxeeran dhamaan duruufihii qoxooti kuxeeraan lahaa oo dhan.

Qaxootiga Ogadeniya ee Dhadhaab

 Xeryaha qoxootiga ee dhadhaab waxaa kudhaqan qoxooti farabadan oo reer ogaadeenia ah oo kumanyaal ah waxaana lagu sheegaa qoxootiga reer ogaadeeniya in ay yihiin kaalinta 2aad xaga tirada waxaana kabadan oo kaliya qoxootiga kasoo qaxay soomaaliya sida ay sheegtay hay’ada qoxootiga ee qaramada midoobay UNHCR

hadaba qoxootiga kasoo qaxay wadanka ogadenia waa qoxootiga kaliya ee ay kamuuqato diif iyo dhibaato kamuuqata jismigooda ama jidhka dadka qoxootiga ah. Marka ladiiwaan galinayo qoxootiga wadanka ogadenia ayaa ah kuwa ugu badan ee wax badan laga qoro ama ay amakaagaan shaqaalaha UNHCR ku marka ay waraysanayaa waxayna sheegeen in ay yihiin qoxootiga kaliya ee dhadhaab iska soodhiiba ee mudan in tixgalin gooni ah lasiiyo maadaama oo ay cadayn keenayaan iyo dhibaatooyin korkooda kuyaala sida jidhdil, kufsi, nabaro aan wali bogsoonin oo ay keenaan iyo waliba qaar siligii lagu marjiyay uu luquntooda kamuuqdo waa sida ay tiri hay’ada UNHCR ee ku sugan xerada Dhadhaab.

Bulshada s/ogadenia ee kudhaqan dhadhaab waxay kakooban yihiin dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida dad waayeel ah dhalinyaro iyo caruur yar yar iyo agoon aabahood uu laayay gumaysigu

Dadka reer ogadenia ee dhadhaab kusugan waxaa kamid ah dad 35 sano qoxooti ahaa oo wadanka ogadenia kasoo qaxay 1977ki ilaa maantana qoxooti ku ah wadan shisheeye. Waxaa kale oo kamid ah dad xeryaha qoxootiga soo gaadhay bilihii ugu danbeeyay ee sanadkan aan kujiro ee 2012.

Dadka soomaalida ogadenia ee kusugan xerada dhadhaab waxay intooda badan xeradan soo galeen sanadkii 2007 ilaa 2012 oo ah sanadkan aan ku jirno  waana waqtiyadii uu wadan ka ogadenia kajiray xasuuqa ba’an ee aan kala sooca lahayn waana lagasoo bilaabo waqtigii cuna qabataynta lagu soo rogay wadanka ogaadeeniya.

Dadkan ayaa dhamaantood markaad lasheekaysato waxay kuusheegayaan dhibaato aad fajac iyo amakaag kaqaado. Sida jidhdil loogaystay xiliyo ay xabsi kujireen ama ay banaankaba joogeen, dilal loogaystay dad eheladooda ah iyagoon waxba galabsanin, kufsi loo gastay dumarka qoxootiga ah qaar kood dhac loogastay xoolahoodii ay wadankii ku haysteen iyo dhibaatooyin kale oo farabadan

Hadaba dadka qoxootiga ah ee reer ogadenia maxay kala kulmeen xeryaha dhadhaab ee ay miciinka soo bideen?

Ugu horayn dadku dhamaantood waxay kuusheegayaan in ay u boholyoobeen wadankoodii laakiin ayna kulaabanaynin ilaa oo uu kaxoroobo qoxootinimaduna ay tahay waxa ugu xun ee uu qof bini’aadam ah ku noolaado. Waxayna kuusheegayaan wax badan oo ay kaga raysteen gumaysigii ay kunoolaayeen iyo wax badan oo ayna kaga raysanin.

maxayna kaga raysanin wadankoodii?

ugu horayn waa dad qoxooti ah waxayna aad uneceb yihiin magacan qoxooti nimada waana dad jecel in ay madaxa boodhka kaceshadaan xataa haday dhimanayaan waxayna ku dhagan yihiin maahmaahda soomaaliyeed ee ah { hadaad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa }

Takale dadku waa dad kasoo qaxay wixii xoolo ama beero ahaa ee ay wadankoodii kuhaysteen mana aysan ka heli wadankan ay yimaadeen nolol kufilan oo ay isku maaweeliyaan waxayna kunoolyihiin nolal hoose. Inakastoy lawadaagaan nolol xumada qoxootiga kale ee kudhaqan xerada lamana siiyo wax kufilan oo ay kunoolaadaan balse waxaa ay sii dheeryihiin oo kale oo kamid ah hoyi la’aan mana haystaan wax guryo ama hoyi ah oo ay dabaylaha iyo qoraxda kagalaan waxaa intaa udheer in ay laqabsan waayeen dhulkii ay yimaadeen oo ah dhul kaduwan dhulkii ay kunoolaan jireen oo ahaa inta badan dhul gabiib ah waxaana kudhacay cuduro ayna aqoonin xiligii ay wadankooda joogeen taasoo ay kumacneeyeen in uu kadhashay la’aanta xoolaha iyo oontooda waxayna adeegsadaan erayga soomaaliyeed ee ah{ caraba camalkeed leh }

Waxaa kale oo ay lakulmeen dhaqano kala duwan oo ayna waligood arag iyo duruufo kaladuwan oo ay kula kulmaan qoxootiga ay kusugan yihiin

Mishkilad aan dhamaanin waxaa ku noqotay in uusan kahadhin gumaysigii shalay ay wadankoodii uga sooqaxeen oo uu dad badan kulaayay xeryaha qoxootiga ee ay kusugan yihiin isagoo waliba laayay dad odayaal ah oo magac iyo meeqaanba kudhax leh shacabka s/ogaadeeniya waxaa kale oo jita dad lagu dhaawacay xeryaha qoxootiga oo laxaad koodii kuwaayay

Maxaay kala kulmeen oo wanaag ah oo aysan kuhaysanin dhulkoodii uu gumaysigu haystay?

sida aan lawada socono dadka reer ogadenia oo ree miyi ubadan mahelaan wax barasho iyo caafimaad iyo nolasha aas’aasiga ah ee ay umadi ubaahan tahay waxayna kaheleen xeryaha ay kunool yihiin waxbarasho ay caruurtu ubarato iyo waliba wax barashada dadka waa wayn oo ay heleen dadkii waayeelay ee wax barashada kawaayay wadankoodii waxaana jira dhalin yaro kabaxday dugsiga sare iyo kuwo hada dhigta schooll lada kuyaala xeryaha dhadhaab.

waxaa kale oo ay heleen caafimaad walow uusan ahayn caafimaad kufilan hadana waxay heleen caafimaad iyo dhakhaatiir aysan wadan koodii waligood kahelin waxaana dhakhaatiir helay haweenkii u ku umuli jiray miyiga ee ku umul raaci jiray ama sakaraadi jiray. waxaa kale oo caafimaad helay caruurtoodii ha’ahaado mid hay’adeed ama mid gaar looleehay oo lacag ah {private} waxaa kale oo ay heleen wadan ay kuwada hadli karaan kuna soo bandhigi karaan dhibaatooyinka ay ugaysteen ciidamada gumaysiga itoobiya, mida danbe oo ah mida ugu muhiimsan waayo cabsidi heyn jirtay ma ku heyso xeryaha qaxotiga.

Waxaa xeryaha qoxootiga dhow jeer soobooqday hay’adaha xuquuqul insaanka udooda oo warbixinana kadiyaariyay iyaga oo si xor ah ula hadlay dhibatada heysatana soo gudbiyay ee wadankoodi kasoo gaadhay.

Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab waxaa kuyaala madaaris sikhaas ah wax loogu baro agoonta iyo dan-yarta ree ogadenia oo ay dhiseen mutadawiciin u dhashay wadanka ogadenia waxayna kuyaalaan xeryaha dhagaxlay, iffo, iyo xagardheere waxaana lagu magacaabaa madarisooyinkaas {xirsi mahad} waxaana wax kabarta agoon ku aabo beelay hardanka kasocda mudada dheer wadanka ogadenia iyo dan yar badan waxayna agoonta qoxootiga kunool heleen fursad aysan haysanin agoonta kudhaqan gudaha wadanka ogadenia.

waxaa kale oo jira taageero yaryar oo ay agoonta u fidiyaan dadka wax haysta ee kunool wadamada qurbaha

sikastaba ha’ahaatee dadka reer ogaadeeniya ee kudhaqan dhadhaab waxay kuusheegayaan in ay rajo wayn kaqabaan in ay mardhaw kulaabtaan wadankoodii oo xor ah

guuleed gundiid

ONA dhagaxlay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay