Ogaden News Agency (ONA)

Fanaanada Qaranka Somaliyeed Saado Cali Warsame oo shil gaadhi ku gashay Somaliya

Saado Cali warsame oo soo gaadhay wadanka Somaliya oo kasoo kicintantay Magaalada Nairobi ayaa shil gaadhi ay saarneed kuso gaadhay magaalada Gaalkacyo iyo garoowe inta u dhaxeysa. Fanaanada ayaa halkaas si Qaranimo oo lookala hadhin loogu soo dhaweeyay markii ay garoonka kasoo dagtay, Balse Qadarta Illaahay Gawaadhidii lagu qaaday ayaa galay shil lasheegay in dad badan wax ku noqdeen oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saado Cali ayaa la sheegay in halkas dhaawac kuso gaadhay balse dhaawaca soo gaadhay uusan saas u weyneyn islamarkaasna  loo qaaday Dhaqtarka. Waxaana warar badan oo wali xaqiiqdooda soo baxin kasoo yeedhay magaalada Gaalkacyo,

Shilka ayaa la sheegay innuu dhacay kadib markii gaadhiga ay saarneyd saado uu ku dhacay gaadhi kale oo ah gawaadhida xamuulka. Waxa illa hada la xaqiijiyay hal qof oo ku dhintay shilkaas. Illaa hadda lama cadeyn sababta gaadhiga xamulka ahi ugu dhacay gaadhiga ay saarneyd saado waqti ay dhexda marayeen oo ay kusii jeedeen magaalada Garoowe. Waxaa la sheegay in saado ay lasocdeen wafti badan oo kamid ah maamul goboledka Puntland kuwaas oo kaqeyb qaatay soo dhaweynta Saado Cali Warsame. Waxayna ahayeen gawaadhi aad u badan waqtigii ay jidka ku jireen ee shilka dhacay.

Saado Cali warsame ayaa ah gabadh umada somaliyeed aad u jecelyihiin waxaana shacabweynaha Somaliyeed meelkasta uu joogaba maanta hadal hayaa shilka soo gaadhay Fanaanada iyada oo maalinta barakeysan ee Jimcaha ah soona soo galay Somaliweyn oo idil usoo duceynayaan. in dadkaas somaliyeed iyo fananada qarannkaba Allaah kasamato bixiyo shilkas naxdinta ku reebay bulshada.

Wararka kasoo kordha xaalada Fanaanada Qaranka Somaliyeed iyo sida wax u dhaceen dib ayaa idiinku soo gudbin doona.

ONA

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14312

Posted by on Jul 20 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,449
  • Last 7 days: 56,485
  • Last 30 days: 243,828
  • Online now: 29
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com