Waxaa maanta karoonka Roseville isku hardiyay dhallinta OYSU iyo koox ka socotay Mexico. Waxay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u wanaasan hasa yeeshee waxay guushii ku raacday dhalllinta OYSU oo ku badiyay 3-0 kadib markii uu goal kii ugu horeeyay shabaqa ku hubsaday captain Ahmed Arab oo ah ciyaartoyga number 9aad u watay kooxda OYSU, waxaa isna laba ugu dhigay isla daqiiqadihii lagu soo laabtay garoonka ayuu cap. Mohamuud aw Kahin Arizona oo isna numberka 6aad u wata koxda dhaliyay gool 2aad, halka uu goal kiii 3 aad  ku hubsaday cap. Hussein Ali Abdi oo number 10aad watay.

Waxaase ciyaar wanaag soo bandhigay cap. Farxaan Ahmed oo ruugcaddaa ku dhax ah OYSU Minnesota. Hasayeeshee dhallinta Mexico ka socotay laftoodu ma laaladin oo marar badan ayuu goalkeeper ku ka caabbiyay kadib markii ay damceen inay shabaqa u dhigaan, isaga oo goalkeeperku difaac badan muujiyay. Ugu damabyn waxay ku dhamaatay gabagabadii 3-0.

 

Isku soo duuduuboo kooxda OYSU Minnesota ayaa noqon doontaa mid aan la hollinkarin mustaqbalka.

 

Guled adnan/ONA.

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay