Wararka nagasoo gaadhaya wadanka Ogaadeeniya Gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo weeraro ah oo ka dhacay Deegaano kamid ah Gobolka Jarar ee Dalka Ogaadeeniya, Dagaaldaas ayaa waxaa askarta gumaysiga loogu gaystay khasaare lixaad leh waxayna udhaceen

 

20/07/2012 Mundulka oo Dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar katirsan ayaa waxaa halkaasi cutub katirsan NH/CWXO ku weerareen Maleeshiyaadka hawaarinta iyo askar gumaysi oo halkaasi joogay waxaana lagaga dilay maleeshiyadii hawarinta 4 askari.

Weerarkaas kadiska ah markii uudhacay waxaa khal-khal ku dhacay askartii gumaysiga ee halkaasi joogtay waxayna miciin bideen cagahooda. Deegaankaasi ayaa waxay NH/CWXO kaga furteen Qalab Milatari oo isugu jira Hub,Daawo,Raashin iyo saanad milatari oo farabadan

 

Markii weerarka lagu qaaday Deegaanka Mundulka ayaa waxay NH/CWXO Jidgooyo dhigeen inta udhaxaysa Dagmada Dhagaxmadow iyo Mundulka oo isu jira Masaafo ka yar 40 daqiiqo, waxaana halkaasi lagu helay gurmad ay askarta wayaanuhu usoo direen deegaaka cagta lamariyey iyadoo halkaasi lagaga gubay laba Baabuur oo kuwa ciidanka ah waxaana halkaasi ku basbeelay Baabuurtii iyo askartii saarnayd

 

 

Aroornimadii saakay oo ay Taariikhdu ahayd 22 /07/2012 ayaa waxaa weerar lagu qaaday Deegaanka Duudshariif oo udhow Magaalada Birqod ee Gobolka Jarar waxaana halkaasi loogu gaystay askartii wayaanaha khasaare lixaadleh iyadoo ay NH/CWXO deegaankaasi kasii daayeen dad aad ufara badan oo rayid ah oo ay askarta wayaanuhu deegaankaasi ku wax yeelaynayeen.

ONA 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay