Ogaden News Agency (ONA)

Howlgal loogu magac Daray Doofaarka Celiyaay iyo CWXO oo Saaka Galay Qudhacmaydal- Fiiq

Hawlgal loogu magacdaray Doofaarka Celiyaay ayaa wuxuu kadhacay wadanka Ogaadeeniya,Howlgalkaasi oo ahaa howlgal loogu talagalay in lagu naafeeyo Gaadiidka dhulka ee Gumaysiga Ethiopia ayaa waxay cutub si aad ah utababaran oo katirsan CWXO qaadeen howlgal u badnaa dhabagal iyo kamiino si looga jaro sahayda ciidamada bakhtiyaya ee gumaysiga Ethiopia,waxayna:Taariikhdu markay ahayd 22/07/2012 Jilbisyaale oo Deegaanka Gabagabo ee Magaalada Qabridahar ee xarunta Gobolka Qoraxay  udhow  ayaa kamiin si qorshaysan loogu dhigay askarta mooraalka Jabsan ee gumaysiga Ethiopia waxaa soogalay 3 Baabuur oo kuwa milatariga ah waxaana halkaasi lagula wareegay gaadiidkii iyo wixii saarnaa oo ay kamid ahaayeen sahay aad ufarabadan iyadoo lasheegay in aysan waxba kabixin askartii saarnayd gaadiidkaasi 

23/07/12 Deegaanka Qudhacmaydal oo Magaalada Fiiq udhow kamiin halkaasi ay ka xidheen cutub katirsan NH/CWXO ayaa waxaa si in dhalaaan ah usoo galay 2 Baabuur oo kuwa ciidanka qaada ah iyadoo lasheegay inay gaadiidkaasi askarta gumaysigu usaarnaayeen sida shinada ayaa waxaa halkaasi lagu dubtay labadii gaadhi iyo yadoo lasheegay askartii saarnayd in uu kabadbaaday oo kaliya hal askari.

 

Waxaa kale oo jira kamiin loodhigay askarta naafaysan ee mooraalka jabsan ee gumaysiga Ethiopia Taariikhdu markay ahayd 23/07/12 Deegaanka Shabeeley oo Qabridahar udhow waxaana halkaasi lagu gaadhsiiyey askarta nacabka ah ee gumaysiga ethiopia khasaare lixaadleh

 

Aroornimadii saakay oo ay taariikhdu ahayd 24/07/2012 waxaa weerar aad u culus oo mir ah lugu qaaday Magaalada Fiiq weerarkaasi oo ahaa mid si qorshaysan loo soo diyeeriyey ayaa waxaa loo adeegsaday hub culculus iyo qoryaha darandooriga udhaca waxaana dhawaaqa hubka laga dareemayey deegaanada ku hareeraysan magaalada Fiiq

Weerarkaasi mirta ah ayaa waxaa askarta mooraalka jabsan loogu gaystay khasaare lixaadleh.

 

 

ONA

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14414

Posted by on Jul 24 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

2 Comments for “Howlgal loogu magac Daray Doofaarka Celiyaay iyo CWXO oo Saaka Galay Qudhacmaydal- Fiiq”

  1. Allay lahe waa Guul lagu farxo oo lasugayay, kusii wada doofaarta oo kaga saara wadanka ama ku wada dhex bakhtiya NH,yaal, Allaa idinla jiree.

  2. wallee waan kudiirsaday ilaah ha garab galo mujaahidiinta JWXO anaguna maciina ayaan nahay fulaynimo uunbaa nahayseee lkn maalin aan fogayn waan idinlataaganahay sxbyaal aniga iyo sxbday oo aad ubadan oo maca hub kayaga wadana insha allaah ciidamada JWXO ooow wallaahu macanaa macakum

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 10,424
  • Last 7 days: 57,273
  • Last 30 days: 245,517
  • Online now: 27
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com