Ogaden News Agency (ONA)

Ciidamada ONLF oo Gaadiidka Woyanaha Jaray iyo Filim Cusub oolaga soo dubay CJWXO Daawo.

NH/CWXO ayaa wada todobaadkaan dagaalo is daba joog ah oo lagu naafaynayo isgaadhsiinta dhulka ee Askarta gumaysiga Ethiopia, howlgaladaan oo ah kamiino iyo jidgooyooyin loo dhigay gaadiidka gumaysiga ayaa waxaa lagaga gubay Baabuur milatari oo waday sahay iyo askar,

 

Deegaanka Siraa goole oo Xamaro katirsan 23/07/2012 ayaa kamiin si qorshaysan loogu dhigay Gaadiidka gumaysiga ee sahayda iyo askarta qaada waxaa lagaga gubay saddex gaadhi oo nooca milatariga ah waxaana halkaasi ku basbeelay gaadiidkii iyo askartii saarnayd

 

22/07/2012 Deegaanka Jilbisyaale oo Gabagabo kaga toosan dhinaca bariga ayaa waxaa lagu gubay  2 Baabuurta milatariga gumaysiga Ethiopia ah waxaana halkaasi lagu dilay in kabadan 30 Askri iyadoo halkaasi lagaga furtay hub farabadan oo laba kamid ah ay ahaayeen qoryaha waayeyn,

 

Mudo shan cisho gudaheed ah ayaa waxaa askarta mooraalka jabsan ee gumaysiga ethiopia lagaga gubay gaadiid kor udhaafaya 10 gawaadhiga milatariga ah waxaana lagaga dilay askar farabadan.              

ONA

 

 

 

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14488

Posted by on Jul 25 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 9,999
  • Last 7 days: 57,018
  • Last 30 days: 245,159
  • Online now: 33
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com