Bismillahi raxmaani raxiim

barnaamijka ramadaanka iyo dhadhaab

Annagoo ku jirno bishii barakeysneyd ee ramadaanul kareem waxaan halkan akhristayaasha sharafta badan uga soo gudbin doonnaa hadii alle idmo barnaamij ka hadlaya ramadaanka iyo fadliga eebe gaarka uga dhigay  barnaamijkan oo qeybo qeybo aanu ka dhignay ayaa waxaanu  ugu tala galnay akhristayaashu inay kaga bogtaan dhammaan masaaisha diiniga ah ee ku saabsan ramadaanta waxaanun kale oo aanu ku eegi doonaaa qeybaha danbe ee barnaamuj kasta oo baxaya dhibaatada heysata ummadda reer ogadeenya ee ku tabaaleysan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab  oo aan is leeyahay inay dad badan oo muxsiniin ah ka war la’yihiin  xaaladdooda dhabta ah waana hubaa marka aanu ka war bixinno nolosha dhabta ah ee ay qoysaskanu ku nool yihiin in dad badan dib u eegis ku sameyn doonaan nolashooda iyagoo aan rajeynayo kalmadahaan halkan ku qorayo in masaakiin badan allaah sabab uga dhigi doono in ay si wanaagsan u soomaan una ciidaaan anigoo aan wax dan ama qarad aduunyaha ka laheyn arrintaas iyada ah

Ugu horeyn fadliga soonka

Soonku wuxuu kamid yahay arkaanta diintena islaamka waana rukniga afraad ee tiirasha islaaamka ee shanta ah

Fadliga soonka waxaa kamid ah in Allaah uu inoo jideeyey isagoo inoo sheegay inay masaalix dhawr ah ku dhex sugan tahay masaalixdaas waxaa kamid ah:

Ramadaanku waa  jaanis uu allaah sannadkiiba hal mar ummaddiisa ugu tala galay iney ka faaiideystaan  waana bil kheyraadkeedu badan yahay waxey leedahay ajir fara badan wuxuuna nabigeenu sheegay (s c w) in qeybta bisha ugu horeysa danbi dhaaf tahay qeybta labaadna ay raxmad tahay halka qeybta sadexaad ay tahay mid naarta la isaga xoreeyo

Qormadan ayaan u hadiyeeyey guud ahaan muslimiinta gaar ahaana umadda reer ogaadenya ee muslimka ah waxaana rajeynayaa iney si wanaagsan u fahmi doonaan danta aan ka leeyahay qormadan oo ay ubadan tahay marka dacwad ahaan laga yimaddo in ay helaan walaalaha dhibaateysan wax caawiya.

Hadaba waa maxey qassadka ama ujeedada allaah uu ka lahaa waajibinta soonka?

Ugu horeyn soonka wuxuu allaah ugu tala galay inaan hal sifo ama hal calaamad wada yeelano oo ah inaan maalinti oo idil wada baahnaano wada oomanaano iyadoo danta qassadka 1aad ee  Alaah uu ka leeyahay ay tahay inuu midka ladan ee aan baahan jirin arko baahida iyo oonka si uu u odareemo  inay jiraan dad badan oo iyadoon ramadaan lagu jirin saacadahan badan afkiisa heysan jirey wax uu qaado markuu waayo seexan jirey isagoo gajoonaya soona kici jirey isagoo boggu isku dhaggan yahay in marka uu oomo uu soo xasuusto in dad badan ooman yihiin biyo la’aan iyo ceelal la’aanna ay yihin  markaasna uu ku waan sado kuna cibrad qaato una dhaqaaqo inuu caawiyo danyarta dhibaateysan ee u baahan cid gar gaarta.

Qasadka 2aad ayaa ah in dhaqaaluhu kuu keyd samo in kastoo muslimiintu wax cun uun kaba qaadaan habeen kiyoo idilna aynu wax cun ka dhignay bisha ramadaan  hadana waxaa la rabey in wax tashiilmaan bishaas ramadaan.

Qassadka 3aad ayaa ah in dadku caafimaad ahaan u nastaan bisha ramadaan oo caloosha iyo hab dhiska dheef shiidku ka nastaan shaqada waqti walba aheyd ee ay sameyn jireen ramadaanka ka hor iyadoo ay dhaqaatiirtu ay inoo sheegeen  in cuntada kala fog fog si nidaamsan lookala fogeeyo ay caafimaad calosha u tahay.  Anagoo mareyno gaba gabadii qormada ayaa waxaan ku soo afmeeraynaa qeyb cinwaankeedu yahay

Dhibanayaasha dhadhaab ku sugan waa dad noocee ah?

Dagaanka dhadhaab ee xeryaha  qaxootiga waxaa ku sugan dad fara badan oo soomaaliyada xorta ah ka yimid iyo soomlida ogaadenya ah oo ogaaden ka soo qaxay

Qeybta aan rabo inaan ka hadlo waa qaxoootiga ka soo qaxay wadanka Ogaden dadkaas qaxootiga ah  waa qoysas ay adagtahay in laga war bixiyo wadcigooga (xaalkooda) dhabta ah  nolol ahan iyo caafimaad ahanba waxaa sidoo kale adag in loo sawiro qoysaskan qof aan isagu indhihiisa ku eegeyn sida ay yihiin waa dad isugu jira dumar iyo caruur ama  u badanba.  Waxaana ka mid ah qeyb badan oo agoon ah iyo qeybo aabahood uga maqanyahay sababo dhawr ah waxaana ka mid ah qaar aabahood ogaadeenya ku xidhan yahay amaba aan la ogeynba meel uu ku sugan yahay waa qoysas aaney jirin intooda badan cid ay ku tiirsan yihiin ama biil siiya.

Waxey dadku qeyb ahaan u shaqo tagaan halka heyadda (care international) raashinka ka bixiso nin ka shaqeeyo qeybinta raashinka qaxootiga nin ka beeg beegta raashinka dadku soo qaataan ka dibna dib uga sii macaasha iyo waxyaalo kale  iyo qaar tunkooda ku xamaasha oo rag ah iyagu.

Dhamaan dadkan ayaa xitaaa mid ka shaqada aan ku sheegayo  aanu helin wax baahidiisa wax ka qaban karaya iyadoo midka ugu roon ee raashika beegayo uu bishii ka qaato mushaar ah shan kun oo shilin oo u dhiganta 60 dollar. maciishadda xeryahana ayaa aala ah mid kacsan maadama si kontarobaan ah lagu keeno.

Waxaa kamid ah qoysas badan oo ku nool burka yar ee heyaddu bixiso oo aaney jirin wax kale oo meelna ka soo gala waana qeybta nolol ahaaan ugu sii liidata bulshadaasi.

Waxaa jirta qeybta agoonta ah in ay mar mar ka helaan waxoogaa lacag ah hayadda daryeelka agoonta iyo naafada geeska Africa oo aan is leeyahay waa meeesha kaliya ee ay dadkaasu ka war sugayaan walaw awoodeeda ay iska xaddidan tahay  hadana wey dadaalaan runtii

 Hadaba maxaan uga jeedaa qormadan  aniguse maxaan ahay ?

Qormadan waxaan uga jeedaa in allaah ku baraarujiyo dad iyagu gacantoodu aaney madhneyn aniguna waxaan rajeynayaa in alaah dadkaas aan u qeyliyey dartood iigu danbi dhaafi doono misaanka xasanaadkana allaah ii galin doono kalmadahan aan kheyrka uga jeedo.  Aniguna ma ahi wakiil dadkan u hadlaya imana ay oga – ee waxaan uga jeedaa oo  kaliya in xogtooda la helo qofkii awoodana uu ka qeyb qaato kheyraadka iyo kaalmeynta walaalahooda ku dhibaataysan xeryaha qaxootiga.

Anigoo ka faaiideysanaya bishan barakeysan ee ramadaanta Maantana intaas ha inoo joogto waxaana inoo xigi doona qeybo kale haddii alaah idmo.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay