Banaabax lagaga soo horjeedo faragalinta ay Itobiya ku hayso diinta islaamka
Mudaharaad ay soo Agaasimeen muslimiinta ku hoos jira taliska taagta yar ee TPLF ayaa waxaaa uu ka dhacay wadanka Marekanka gaar ahaan Seattle/Washington. Mudaharadkan oo ayna u kala hadhin dhamaan qowmiyadaha dulman ee ku hoos jira xukuumada gacan ku-dhiiglaha ah ee ay hogaamiyaan kooxda Tigreega ayaa waxaa uu biloowday shalay oy taariikhdu ahayd August-3-2012. Waxaana lagu wadaa in meela badan oo ka mid ah dalka Mareykanka uu ka dhaco banaabaxyo midkan la mid ah.
Jaaliyadda Ogaadeenya ayaa kamid ahayd boqolalka muslimiinta ah ee isugu so baxay halkaa say u muujinayaan mowqifkooda ku aadan dhibaatada lagu hayo shacabka Ogadenya iyo faragalinta qaawan ee taliska EPRDF/TPLF uu ku hayo diinta islaamka.
Jaaliyadda Soamalida Ogadenya ayaa watay Calanka Ogaadeenya oy ka dhex babanayeen goobta iyo boodhadh muujinaya dhibaatada lagu hayo shacabkooda. Mudaaharadk ayaa ahaa mid u dhacay si nadab galiyo ah oo dadkii banaanbaxayay ay muujinayeen sida ay uga xun yihiin tacadiga joogtada ah ee lagu hayo shucuubta ay Tigreegu ku xasuuqan guud ahaan Itobiya.
Banaabaxan ayaa wuxuu la socdaa banaabaxyada sida joogtada ah uga socda Adisababa iyo meela kale oo ka mid ah dalka Itobiya oo lagaga soo horjeedo faragalinta ay xukuumadda Wayaanaha ku hayaan diinta islaamka iyo xuquuqda dadka muslimiinta ah. Telefisyoonka Itobiya ayaa laga sii daynayay maalmahan dacaayado muujinaya in kacdoonka Muslimiinta iyo mudahaaraadyada ka socda Addisababa ay ka dambeeyaan xag-jireen ka yimid dalalka Carabta. Waxaana xabsiga la dhigay 6 qof oo dalka Sacuudiga u dhashay oo dambi looga dhigay inay u qaybinayeen raashin iyo lacag dad tabaalaysan oo muslimiin ah.
ONA/Seattle
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14688















