Ogaden News Agency (ONA)

Cun oo Caawi: Xaflad ay soo qaban qaabiyeen OYSU Denmark

Waxaa caawa (sabti ah) lagu qabtay caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen xaflad balaadhan oo siwanaagsan ay usoo abaabuleen ugana qayb qaateen ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya ee OYSU, xafladan oo ahayd xaflad afurin ah ayaa ciiwaan looga dhiga Cun oo Caawi.
Munaasabadan oo ujeedada ugu wayn ee looqabtay ay ahayd in lagu caawiyo bulshada tabaalaysan ee ku waxyeeloobay dhibaatooyinka ba,an ee uu ugaystay gumaysiga Itoobiya ee kuraagay wadanka Ogadenya ayaa kamidah munaasabadaha joogtada ah ee guud ahaan ay jaaliyadaha Somalida Ogadenya ay kawadaan daafaha aduunka gaar ahaan Jaaliyada Denmark iyo Ururkisa dhalinta Jaaliyada Denmark ee OYSU oo iska leh hal abuurkan cusub ee lamagac baxay Cun oo Caawi.
Waxaa kasoo qayb galay munaasabadan dad wayne tiro badan oo kamidah qaybaha kala duwan ee bulshada Somali-Wayn iyo Jaaliyada Somalida Ogadeniya  ee kudhaqan wadankan Denmark caasimadiisa Copenhagen. Shacabkii munaasabadan soobuux dhaafiyay ayaa waxaa hormuud u ahaa siwayna uga dhex muuqday maamulka iyo xubnaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadankan Denmark, kuwaasoo caan ku ah inaysan marnba kadaalin kaqayb qaadashada xafladaha iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah.
Xafladan oo ahayd mid si wanaagsan udhacday ayaa waxay dadkii goobta isugu yimid si farxad iyo wadaniyad leh ugu wada afureen ayagoo siweyn uladhacay sida taariikhiga ah ee ururka OYSU-Denmark usoo agaasimeen xafladan, waxayna isku afgarteen kaqayb galayaashii xaflada in laxoojiyo lana joogteeyo sidii loocaawin lahaa dhibneyaasha uu gumaysigu ugaystay dhibaatooyinka kadhanka ah xuquuqda bani-aadamka ee kasocda Ogadenya.  

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14705

Posted by on Aug 4 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 10,129
  • Last 7 days: 58,317
  • Last 30 days: 245,655
  • Online now: 39
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com