Shalay oo ay taariikhdu aheed  4.08.2012 waxaa hoolka shirarka ee jaaliyada S.Ogaadenya ee Minneapolis  lagu qabtay shirkii bilaha ahaa ee xubnaha maamulka Jaaliyadda. Shirka maamulka jaaliyada ayaa  waxaa  xidhiidhinayey  gudoomiyha jaaliyada halgame Mahamed Cabdi, isagoo ugu  horeen  ba   kusoo  dhaweyey  sidii caadad aheed wacadigii  diiniga  ahaa  oo uu soo  jeediye mudane Sheekh Ahmed  Majeerteen  oo ah, wakiilka jaaliyadaha North America. Mudane Axmed Majeerteen ayaa ka hadlay bisha barakeysan ee ramadaan iyo waajibaadka inaga saaran sidii wax loogu qaban lahaa agoonta iyo maatida reer Ogadenia ee kasoo barokacay dhulkoodii hooyo kuna sugan dhamaan xryaha qaxootiga ee meela kala duwan oo ah dawladaha dariska inala ah. 

Shirkan oo ahaa mid si’aad ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax sare oo ka tirsan golaha dhexe ee JWXO, maamulka jaaliyada Minnesota iyo masuuliin  kaleba. Waxaa  mar labaada lagu  soo dhaweye  madasha shirka mudane Ahmed Majerteen oo goobta ka  akhriyey  wareegtadii  ugu  dabeysay ee Gudoomiyaha JWXO Admiraal Maxamed Cumar Cismaan.

Waxaa isagana warbixin kooban ka bixiyey arimaha siyaasadeed iyo sida ay ukala daadsantahay xukuumadii gumeysiga ee Ethiopia iyo u diyaar garowga looga baahanyahay shacabka Ogadenia sidii ay guushooda ku hanan lahaayeen Hogaanka Qorshaynta iyo Cilmi Baadhista mudane Maxamuud Nuur oo shirka kala soo qayb galay. Hogaanka  ayaa wuxu xubnaha  u sheegay  in Itoobiya ay hada maamul  la’aan  tahay  isla markaan qaybsan  tahay. Mudane  Mahamud ayaa  yidhi; “Cidana  looga  sheekeyn  maayo  maanta  xaalada Itoobiya oo waad  aragtaan dhafoorkeeda iyo waxa ka dhacaya Adis Ababa”.

Waxaa kaloo kamid ahaa masulintii ka hadalay oo ka mid ahaa marti sharaftii kasoo qaybgashay shirkan Dr. Cabdirashiid Cali Gooni oo ka tirsan HAAB.Waxuu Dr. Cabdirashiid dardaaran ahaan oogu bishaareyay dadkii shirka fadhiyay iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed in xoriyada Ogaadeenya ay soo iftay oo laga sugayo in ay Soomaali oo dhan soo dhaweeyaan iyaga oo u teelo dhiganaya, wuxuuna qof walba oogu baqay in si guud iyo si gaar ahba loogu hiiliyo halganka xaqa iyo xalaasha ah ee Soomaalida Ogaadeenya. Hadalka Dr-ka ayaaa shirka  aad  dareenkiisa u  kiciyey.

Guud ahaan Xubnahan Iyo Masuulinta ururka ee ka soo qaybgalay shirka ayaa isla qaatay In loo baahan yahay in la xoojiyo Halganka ka socda Ogadeniya.

 ONA-Minesotta

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay