Ogaden News Agency (ONA)

Xukunka TPLF/EPRDF oo Dhamaadkii Taagan

Xisbiga EPRDF oo ah xisbiguu Meles ku shaqaysanayey 21kii sano ee uu Itoobiya xukumay ayaa maanta shirar iyo wadaxaajood balaadhan ku jira, wuxuuna caalamka ka sugayaa in ay la yimadaan caqli cusub oo ay Itoobiya ku sii wada joogi karto, ma’aha oo kali ah siday xukunka ku sii haysan lahaayeen, iyadoo ay yaraatay rajada ama kalsoonida lagu qabo EPRDFta. Dhinaca kale waxaa laga yaaba in ay horseedan  godkii ay ku dhici lahayd Itoobiya kaas oo noqon doona godkii lagu aasi lahaa magaca Itoobiya oo qowmiyad walba aayaheeda ay ka tashan lahayd.

Sidaan la socono, EPRDF waxaa soo urursaday ururka TPLF oo lagu yaqaano been aan waabasho lahayn. Waxay 21kii sano ee la soo dhaafay Itoobiya ku soo haysteen in qasab lagu rumaysto beenta ay sheegaan. Waa xukun ku dhisan xoog iyo qori afkiis oo qofka diida beenta uu sheego ururka EPRDF/TPLF laga qarinayo ifka. Iyagoo dhaqankoodii noocaa ahaa raacaya, ayay si cad u beeninayeen in Meles dhintay ama jiranyahayba. Beentii ay dadka u sheegeen markii laga rumaysan waayay, ileen caalamka isbadal weyn ayaa ku dhacay mudadii ay xukunka haysteene, oo waxaa soo baxay waxa loo yaqaano –Isgaadhsiinta Bulshada (Social media) sida Facebook iyo Twitter iyo Youtube, ayay yidhaadeen fasax caafimaad ayuu ku maqanyahay. Hasa ahaatee fasaxii ayaa noqday mid aan sawir laga haynin oon dhamaad lahayn, ileen qofka xanuunsanaya in la soo sawiro isagoo isbitaalka jiifa wax laga xishoodo ma ahee. Waxaa ku dhacay maahmaahdii ahayd –beentaada hore runtaada dambe ayay u daran tahay- hasa ahaate, waa koox ku caan baxay in aysan ka xishoonin beenta iyo inkiraada xaqiiqada. Kaadirka Xisbiga TPLF/EPRDF waxaa lagu carbiyey inay shacabka Itobiya la mid yihiin xoolaha oo iyagu yihiin kuwii la jiray xoolahaa. Dilka iyo in ay ka takhlusaan cid alaale ciday u arkaan wax garad, waxay ka mid tahay waajibaadka xubinka.

Haddaba sida ay xaqiijinayeen dad xog-ogaal ah iyo warar badan oo dhanka saxaafadda ah, waxaa soo noq-noqnaya in uu kalidii taliye Meles Zinawi kaba baxay hogaamintii Itoobiya iyo xisbiga TPLF/EPRDF. Meles oo ahaa kalidii-taliye aan marna ogalaanin cid latartanta in ay ka guulaysto ayaa horay uga takhlusay dhamaan xubnihii dhaxli lahaa hogaaminta xisbiga iyo ra’isulwasaare-nimada dalka. Ma jiro cid sharciyan ku cad in ay xilka la wareegto, marka laga reebo ninka uu isagu u magacaabay ku-xigeenka ra’isulwasaaraha dalka itoobiya kaas oo ah Hailamaram Desaleg oon lahayn sidii Meles ilko uu wax ku qaniino.

Hadaan dib u milicsano xisbiyada ku bahoobay ururka EPRDF loo yaqaano ee TPLF-ta ay dalka magaciisa ku xukumaan, Waa afartan xisbi ee kala ah;

1.Oromo Peoples’ Democratic Organistion.(OPDO).

2.Amhara National Democratic Movment.(ANDM).

3.Southren Ethiopian Democratic Movment.(SEDM)>

4.Tigrayan Peoples’ Libration Front.(TPLF).

Dawladda Mareykanka ayaa markay aragtay in ciidankii Itobiya laga adkaaday oo Mingisto uu carari doono waxay ku mideeyeen magaca EPRDF afartaa urur een soo sheegnay. Waxaan ka ahayn Dilka, Kufsiga, dhac, iyo cadaadiska shucuubta Itoobiya oy ka midaysan yihiin ma jiro.

Waxaa kale oo jira xisbiyo ku sheeg dusha laga ilaaliyo oo ka jira dhulka soomaalida Ogaadeeniya, Cafarta, Gambela iyo Binshugul, kuwaasoo EPRDFta ay tirada ku darsadaan ama la dhihi karo kooramka ayey u buuxiyaan markay u baahdaan. Waa xisbiyo ay sameysteen oon waxba diidi karin wabana ogolaan karin. Magac ahaan bay u jiraan, aduunka aayaana la maqashiiyaa, laakiinse wadamadaa aan soo sheegnay waxaa xukuma ciidan iyo siyaasiyiin Tigree ah, waxaana ka dhisan maamul ku sheeg  la mid ah kuwa Jigjiga.

Arimaha siday hadda ku socdaan, wax kasta oo ay la yimaadaan EPRDF way adagtahay inay Itobiya ka badbaado  arimaha soo socda midkood;

1.Kacdoon shacab oo sababi kara dagaal Sokeeya oo ka qarxa Itoobiya.

2.Kacdoon milatari oo ka dhan ah TPLF.

3.Mucaaradka oo ku guulaysta inay xoog shacab ku qabsadaan xukunka.

Qoomiyadaha Itoobiya waxaa la hadhay qoomiyadaha Buuraha waqooyi ka soo jeeda ee Tigray iyo Amxaaro oo waligood xukunka Itoobiya isku  bad-badli jiray oo markii hore duulaan iyo dagaal ku yimid dhulka hadda la isku yidhaado Itoobiya.

Si kasataba ha noqotee xaalka Itoobiya oo maanta soo gaadhay meeshii ay ku kala dhaqaaqi lahayd waxaa la gudboon shacab Soomaalida Ogaadeeniya in ay u diyaar garoobaan una midoobaan Hanashadii dhulkooda Hooyo oo aanay noqonin mar dambe meher suge.

ONA/Xaaji Maxamad.

 

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14725

Posted by on Aug 6 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,291
  • Last 7 days: 58,683
  • Last 30 days: 245,860
  • Online now: 28
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com