Ogaden News Agency (ONA)

Daba-qoodhiga cabdi iley oo si aargoosi ah uga taxaabay Goomaar dad shacab ah

Tuulada Goomaar oo u dhaxaysa Birqod iyo Geri-Go’an ayaa loo diyaarinayey inuu shir ku qabto Cabdi iley, halkaasoo uu u soo dirsaday nin u sii gogol xaadho shirka. Waxaa dadkii deegaanka lagu qasbay inay xoolo badan oo ay ka mid yihiin 10 neef oo Geel ah qasab ku keenaan.xoolahaa xaaraanta ah oo loogu talagaly inay qashaan Cabdi iley iyo kooxda la socota inta ay joogaan goobta. Waxaa ka war helay arinta CWXO oo ka hawl galay falal muhiim ahna ka fuliyey si ay u fashiliyaan shir ku sheegaa iyo boobka xoola dhaqatada ay ku hayaan maxaysatada Cabdi iley.

Hawlgalkaa ka dib ayaa tuuladii waxaa soo weeraray dabaqoodhigii iyaga oo u ciqaabaya xogta baxday awgeed. Waxay ka taxaabeen 18 qof oo jidh-dil xoogan ay u gaysteen. Xaaladay ku sugan yihiin ilaa hadda lama oga dadkaa ay sii taxaabeen, waxaana loo badinayaa in la laayey sidii caadada u ahayd cadowga gumaadaya shacabka aan waxba galabsan. Waxaana ka mid ahaa dadka ay taxaabeen, saddex maamul ku sheega dabaqoodhiga ka mid ahaa oo kii abniga u qaabilsanaa uu ku jiro.

ONA.

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14751

Posted by on Aug 7 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 7,231
  • Last 7 days: 55,731
  • Last 30 days: 243,443
  • Online now: 20
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com