Idaacadda Esat Radio oo waraysiyo xasaasi ah la yeelatay siyaasiyiin uu ka mid yahay Xassan Macallin
Waxaa socda xidhiidho iyo is-barasho ururada mucaaradka ku ah xukunka Itobiya iyo ururada gobanimadoonka ah, gaar ahaan intii uu ka baxay saaxadda KT Meles Zinawi.
Idaacada Esat Radio ee sida aadka ay ugu xidhanyihiin shacabka Itoobiya gaar ahaan kuwa ku hadla afka Axmaariga ayaa wareysi xiiso badan layeelatay Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Ururada kala ah; ONLF oo Mudane Hassan Mucalim uu matalayay, Ginbot7 oo Mudane Dr Barhanu Lagcas uu matalayay, ururka Medrak oo madaxweynihii hore ee Itoobiya Dr Negasso Gidadho oo ah Gudoomiyaha Ururka uu matalayay iyo ururka the unity for Demorcracy Party(UDJP) iyo shaqsiyaad mucaarad ku ah dawalada Ethiopia oo madax ka ahaan jiray ururka TPLF, sida Gebremedhin Ariya oo ahaa Gudoomiyhii hore ee Hogaanka dhaqaalaha ee ururk TPLF. Hoos ka dhagayso wareysiga oo af-amxaari ah.
Waraysigan oo dheer ayaa wakaalada Wararka Ogadeniya ONA turjuntay nuxurka qeyb kamid ah wareysiga mudane Hassan oo dheeraa ayaan ka soo qaadanay oo u dhacay sidan;
Esat Radio – Aniga oo ku hadlaya magaca dhagaystayasha Rdaio Esat waxaan kaaga mahad celinyaa fursadan aad na siisay warysigan.
Hassan Macalin – Aniguna fursada aad i siiseen waad ku mahadsantihiin.
Esat Radio – Ururka ONLF xaalada maanta Ethiopia ka taagan sideed uula socotaan?
Hassan Macalin – Sida aynula wada socono Raiisal wasarihii Ethiopia xaaladiisu ma fiicna in uu geeriyoodayna waa loo badinayaa . Anaguna xaaladaaas cusub ee Ethiopia ku soo korodhay si feejigan ayaanu uula soconaa. Dhanka kale cabsi ayaa naga haysa meesha ay ku danbayn xaalada Ethiopia. Walbaaharkanina mid anaga kaliya nagu kooban ma ahee waa mid Ethiopia iyo caalamka oo dhan haysta. Xaaalda ay Ethiopia maanta ku jirtaana qaabka uu ururka kataliya Ethiopia u maamulay ma aha mid haboon oo dadwaynaha Ethiopia ay ku qancin karaan. Bil cakasi arimahan ay ku dhaqaaqeen xaalada umbay sii murginaysaa.Waxaa loo baahaynahay in la’isu yeemaado oo laga wada tashado dhamaan qowmiyadaha Ethiopia kuwa xoriyada doonaya iyo kuwa cadaalada iyo sinaanta donyaba say u xaliyaan khilaafadaka dhexdooda ka tagaan.
Esat Radio – Hlakaas waan u soo noqon doonaaye waxaa maqaalo nagu ah in aad dawlada Ethiopia wadahadal la gasheen marar kala duduwan, waxaa kale oo aan la soconaa in aad shuruud ku xidheen in wadan sadexaad uu wada hadalku ka dhaco isla markaana ay goob joogayaal caalami ahi ay joogaan. Bal iiga waran xaalada wada hadalku meesha u marayo? ma wax wada hadala ah ayaa idiin socda?
Hassan Macalin – Anagu waxaanu hubka u qaadanay in aanu dadkayaga iyo dalkanaga xorayno, sida aad la wada socontaan dadka S.Ogadeniya siday dawlada Ingriisku ugu wareejiyeen Ethiopia wax xornimo ah ama cadaalad ah oo ay heleen ma jirto, marka anagu waxanu leenahay dadkanagu xoriyadooda si ay u helaan waa in wax la waydiiyaa. Haddii wada hadal xal lagu gaadhi karo wax aanu ku diidaynaa ma jirto, u jeedada aan dagaalka u galay hadii miis dushii lagu heli karo dad badani nagama dhinteen iyaguna mayanan ku baabaeen. Waanu la soconaa in uusan dagaal xal ahayn iyaguna sida oo kale way ogyihiin in uusan dagaal faa’do lahayn oo in dad ku dhinto mooyee aan waxba laga faaiidaynin. Hadda ka hore waxa jirtay in wadanka Ogadeniya gudihiisa aan ku wada hadalay 1998dii oo ay halkaas ku dileen magaalda Qabridahar agaagarkeeda ergaygii ka socdday ururka ONLF. Meesha waxaa taala is aamin la’aan iyo kala shaki, sidaas darted baanu anagu shurudaha ugu xidhnay, haddii shuruudihii aan ku xidhanay ay buuxiyaana sabab aanu wada hadal ku diidno meesha ma taalo. Dadku hadii ay wadalaan umba la’is af gartaa ama la’is diidaa ee dagaal uun xalku kuma jiro.
Esat Radio – Hadda lakiin xaalada soo baxaysa ee waraka hoose ee laga helay ururka ICG iyo war bixnada laga helay Esat waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaarahii Ethiopia Meles Zenawi uu geeriyyoday e maxaa iska badali baad is leedahay xaalada wada hadalka? Wada hadalku miyuu sii soconayaa ?
Hassan Macalin – Arrintani waa xaalada cusub oo dhibkeeda wadata xaalada Ethiopiana waxaa laga yaaba in ay 180 degree isbadasho. Anganu wali waxaanu ku jiraa hubsiinsho iyo daraasad arrimahan soo kordhay oo aanu isha ku hayno iyo wixii aanu ka yeeli lahayn. Arrinta wada hadalka aad sheegaysana anga ka ONLF ahaan qorshayaal baa noo yaala haddana qorshayaalkaan nooyaala in aan hadda ka sheekeeyo ma rabo oo aan ka hor dhaco, wakhitgeeda ayaa la ogaan doonaa.
Esat Radio – Dawlada Ethiopia waxay wali ku adkaysanayaa in uu Raiisulwasarihii Ethioipa nool yahay, wuu caafimaad qabaa , fasaxbuu ku jiraa oo borobagaandhadaas ayay fidinayaan, waxaa kale oo na soo gaadhaya inuu ururka TPLF shir albaabda u xidhan yihiin ay ku jiraan si ay dawlad u soo dhistaan. Waxay ay dadku ku eedynayaan ururada mucaardka kuwa sidiina oo kale hubaysan iyo kuwa aan hubaysnayn, shacab waynihii Ethiopia xagay ka baxeen bay leeyihiin oo way qaylyayaan e, ururada mucaaradku haddii ay isha uun ka fiirsadaan saw taariikhdu idin qorimayso, idinku se ka ONLF ahaan maxuu yahay mawaqifkiina arrintan ku aadadan?
Hassan Macalin – Waxaan u malaynaa in ay arrintanadu iska cadahay. Anagu xaladayadu af kaliya ma aha ee ficil baanu ku daray oo qori babnu u qaadnay, oo maalin walba dagaalo ayaanu galaa oo ay ciidamo nagaga shihiidan anaguna aan cadawganaga laynaa si aanu dadknaga uga xorayno. Dagaalka aanau wadaanan waxaa ku raadinyana xoriyad iyo cadaalad. Anaga xaalada aanu maanta ku jiro inta aanu dhaafno Ogadeniya ayaanu doonaynaa in aanu xorayno dadyawga la dulamay Ethiopia. Dhinca kale anigu waxan aamin sanahay in gaabis ka jiro ururada mucaardka Ethiopia. Anagu dhinaca siyaasada iyo ciidankaba. Hawsha waanu wadnaa sidii aanu awalba u wadanay ee ururda mucaaradka ah ayaan hawshii loo baahnaa inay qabtaan ama ay ka soo baxaan aan ka soo bxin baan dhihi karaa, taas oo keeni karta in ay xaalada Ethiiopa kasii darto.
Anagu hadda ka hor waxaanu soo jeedinay dhamaan dadyawga Ethiopia, ururda hubaysan iyo kuwa aan hubaysanaynba, in la isu tago oo la wada tashashado sidii heeryada gumaysiga Ethiopia la isaga tuuri lahaa, isla markaana waa in la isu dulqaataa oo ay isla shaqeeyaan ururada Xoriyada doonaya iyo kuwa dimoqraadiyada iyo cadaalda u dagaalamaya. Anig oo ku hadlaya magaca ummda reer Ogadeniya ma jirto maanta cid ama qowmiyad dadka reer Oagdeniya gumaysan karta ama cadaadin karta. Waxaa kale oo aan aqabali doonin haddii ay jirto cid isku dayaysaa in ay qowmiyadi qowmiyad kale ay gumaysato.
Sida aad sheegatayna haadii ay cadaato in uu Meles geeriyooday oo ururka TPLF la iman waayo xal waara oo xasiloonida ku soo dabaala waddanka oo sidoodii hore un ku socdaan oo aysan waxba iska badalin, arintaasi waxay ka dhigan tahay maahmaahdii axmaargi ahayd ee dhahaysay – Gulijaa bi lawaawad wot ayaa daafidim – taas oo micnaheedu ka dhiganyahay “ Dhar dhaarada oo lakala badalaa cuntada gudaha ku jirtaa ma macanayso.
Radio Esat - Maxaad dadka Ethiopia kula dar daarmaysaa ama fariin ah oo aad u gudbanaysa?
Hassan Macalin – Shacabka Itoobiya waxaa haysta dhibaato, waxaanan kula talin lahaa in aan wada fadhiisano kana tashano sidii aan dhibka uga bixi lahayn. Gumaysi ayaynu kujiraa sidaan xoriyad u heli lahayn cid walbana aayaheeda uga tashan lahayd nabad iyo nolol fiicana ugu noolaan lahayn.
http://www.ethsat.com/2012/08/02/esat-radio-aug-02/
ONA.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14756














