Taariikhdu markay ahayd 11,8.2012 waxaa hool weyn oo kuyaala bariga magaalada Helsinki isugu yimid Jaaliyada Somalida Ogaden ee Finlnad iyaga oo halkaas munaasabad Afur isugu yimid.

Afurkaas oy soo qabanqaabiyeen maamulka jaaliyada  iyo ururada bulshada ee Jaaliyadu ka koobantahay gaar ahaan dhalinyarada OYSU.
waxaa kasoo qaybgalay dhmaaan jaaliyada qaybaaheeda kala duwan oo ay maamulka jaaliyada iyo madaxda ka tirsan jwxo warbixin kasii yeen hawlaha halganka iyo meeshu marayo.

Waxaa ugu horayn shirka furay gudoomiyaha jaaliyada mudane sh. maxamed al-azhari oo sidoo kale ka warbixiyey waxqabadkii jaliyada iyo hawlaha uyaala ee ay qaban doonaanba mustaqbalka dhow iyo kan fogba kadib waxaa lagu soo dhoweeyey xoghaynta Haab mudane Xasan kamaal oo ka warbixiyey Halganka meeshuu marayo dal iyo dibadba.

waxaa kaloo lagusoo dhoweeyey codbaahiyaha marwo Amina jwxo oo iyana ka hadashay meesha dadkiina aad u gubaabisay shucuurtoodiina badashay.

Sidoo kale waxaa iyana meesha ka hadlay masuuliyiin badan sida cabdirixiin oo ka socday jaaliyada soomaalida ahna mudane u sharaxan golaha degaanka Magaalada Helsinki.
guntii iyo gabagabadii afrukaas sidii loogu talo galay ayuu ku soo dhamaaday.

ONA
cabdiraxmaan jarari
Helsinki

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay