Waxaa soo badanaya shakiga laga qabo in dabka suuqyada xeryaha qaxootiga ayna ahayn mid iska dhacay oo aanay gacan dambiyeed ka dambeynin, gaar ahaan markii caawa saqdii dhexe uu dab qabsaday suuqa bacadlaha ah ee xerada qaxootiga ee Ifo, dabkaa oo ilaa hadda aan la garanaynin wixii dhaliyey xeligaa oo suuqa uu xiran yahay. Dambakan  ayaa gaystay khasaare balaadhan waloow markii dambe lagu guulaystey in la damiyo.

Xeryaha qaxootiga ee degmada Dhadhaab ee sadexda ah ayaa bil gudaheed ku wada gubtay iyadoo suuqa dhagaxleey uu ahaa midkii ugu horeeyey oo gubtay muddo hada laga joogo labo todobaad halkaas oo uu suuqa iyo hantidii taalay oo dhan gabi ahaan basbeeleen, waxaa xigay suuqa xerada Xagardheer oo Jimcihii lasoo dhaafay gubtay xili duhur ah kaas oo gaystay khasaare fudud kadib markii lagu guulaystay in la damiyo dabkaas waxaana halkaas ku gubatay 3 dukaan oo midi ahaa farmashi.

 

Caawa saqdii dhexe ayaa halmar laga war helay dab ka holcaya suuqa weyn ee Iffo xilli ay dadku isu diyaarinayeen salaada tahajudka waxaana dacalada xaafadaha qaxootiga iskaga soo gurmaday dadweyne aad u badan oo weli madaxooda ay kasii shanqadhaysay khasaarihii ka dhashay suuqii dhagaxleey ee malaayiin lacag ah lagu waayey,nasiib wanaag muddo kadib waxaa lagu gulaystay in caawa la damiyo dabkii ka dhacay suuqa ifo waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare xoolo oo baaxad leh balse ka khafiifsan kii dhagaxleey,ilaa iyo hada ma cadda waxa dabka dhaliyey waxayna dad badani isweydiinayaan sababta keenta uun inay suuqyadu gubtaan oo uusan dabku ka bilaabanin xaafadaha taas oo dad badani ku macneeyeen arin ula jeedo leh.


Farxaan Maxamed
ONA/IFO

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay