Haya’d samafal ah oo ka socota dalka Kuwait ayaa maanta xerada qaxotiga Ifo ugu qaybisay dadweynaha ku tabaalaysan halkaa mucaawimo ah sakatul fidri. Mucaawanadan aay haya’du ku qaybisay xarumaha masajidka Xirsi Mahad iyo masajidka Istanbul ee ku kalayala Ifo iyo Ifo3.

Mucaawanada dadweynaha loo qaybiyay ayaa ahaa rashin uu ka mid yahay bariis. Sidaan la socono bariiska wuxuu ka mid yahay quutka uu Rasuulka CS sheegay in Zakata Fidriga lagu bixin karo.

Isku soo duduboo, ma aha marki ugu horaysay ay haya’dan oo ka mid ah hayada muslimiinta ee xeryahan yimaada ay ku qaybiso mucawimo noocan oo kale ah.

 Farxaan-ONA/IFO

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay