Ogaden News Agency (ONA)

Ethiopia oo ay ka baxsadeen siyaasiyiin horleh.

Addis Ababa  Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in malinta maalinta ka danbaysa uu kordhayo Baxasashadka Siyaasiyiinta Ethiopia.
Siyaasiyiintan baxsanaya  ayaa magangaliyo siyaasadeed waydiisanaya wadamada ay u joogeen gumaysiga itoobiya ama wadan sadaxaad.

Siyaasiyiinta  ugu danbeeyay ee baxsatay waxa ka mid ah;
Safiir ku xigeenkii u fadhiyay Ethiopia wadanka Hindiya dharaje Asfow &
Tasfaye Dhasaaleey oo isna ahaa Diblomaasi sare oo gumaysiga Ethiopia u fadhiyay wadanka Sudan, kana soo shaqeeyay wadamada Japan & Emirates ka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in uu Tasfaye Dhasaaleey iska dhiibay wadanka Marykanka oo u magan galyo siyaasadeed waydiistay.

Baxasashada diblamaasiyiinta ee sii kordhaysa aya waxaa sabab u ah culays kaga  imanaya dhinaca xukuumada aan cagaha adag ku taagnayn ee Addis Ababa oo u culays adag saartay siyaasiyiinta ka u qaabilsan danaha kala duwan.

Wadanka Ethiopia ayaa ku jira xili aynan xaalada siyaasadeed ee  wadanku ayna daganayn ayna dhibaatooyin badani ka taagnyhiin, sida dhiigyacab zenawi oo ilaa 2 bilood ka maqan saaxada  loona badin in uu bakhtiyay, dhaqaalaha wadanka oo aad u liita sicir barar adagna soo food saaray guud ahaan ethiopia, amni darada oo sii kor dhaysa,  kacdoonka shacabka oo hadheeyay Adis ababa iyo  magaalooyinka kale ee waawayn iyo jabhada gobinimodoonka ah oo caynka ku giijiyay dagaalada ay kaga soo horjeedaan gumaysiga ethiopia.

ONA

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=14992

Posted by on Aug 18 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 9,294
  • Last 7 days: 59,140
  • Last 30 days: 245,561
  • Online now: 26
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com