Dad aad u tira badan ayaaa maanta isugu soo baxay banaanka wayn ee ciyaaraha halkaasoo ay ku tukan hayeen salaada ciidul fidriga. Salaadii ciida kadib ayaa waxa khudbad dheer oo melo badan taban haysa ka soo jediyay sh. Raage kagana hadlay xaalada uu ku sugan yahay dalka Ogadenya ee dadkii tukanayay ay badan kood ka soo qaxeen. Wuxuuna uga duceyay shacabka dulman ee Ogadenia.

Kadib waxaa makarafonka lawaregay sh.Sharif Mustaf oo si wadaniyad ku dheehantahay ugu duceeyay dalka Ogadenia maalinta cidal fadriga ah ee fadliga badan, iyadoo dadkii faraha badnaa ee salaada isagu yimid ee musliminta ahaa ay lahaayeen; Allow nagaga aqbal ducada, Ilaahow xornima taam aha sii umadda Somalida Ogadenya .. aamin.

Ugu danbaytii waxay dadkii isugu soo baxay banaanka weyn ee cayaaraha ay isugu bishaarynayeen hambalyada ciida barakaysan iyo inuu Ilaahay ka aqbalo soonkii iyo salaadii iyo ducadii.

Farxaan maxamed ONA/IFO

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay