Maanta oo ay bishu tahay Aug 21, 2012 ayaa la xaqiijiyey inuu bakhtiyay Dhiigyacab Melez Zenawi oo 57 jir ahaa.

Dhimashada kaligii taliye Melez Zenawi ayaa waxaa xaqiijiyey warbaahinta dawladda Itoobiyo iyo TVga BBC World. Waxay sheegeen in uu u dhintay xanuun mudo hayey. Dhimashada Melez Zenawi ayaa la qarinaayey mudo laba bilood ah, taasoo ay sabab u ahayd iyadoo qofkii badalai lahaa ay isku haysteen kooxda TPLF ee xukunta Itobiya. Sida ay sheegtay BBC-da waxaa hadda si ku-meel gaadh ah u sii qaban doona jagada R/wasaaraha ku xigeenkiisii. Hasa ahaatee, ilaa hadda wax heshiis ah ma dhex marin oo la ogsoon yahay labada garab ee isku haystay xukunka, waxaana laga yaabaa inay ka dhex qaraxdo.

Faahfaahinta dhimashada dhiigyacab Melez iyo arimaha murugsan ee ka jira Itobiya dib ayaan ka soo sheegi doonaa.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay