War deg deg ah oo hada naga soo gaaraya magaalad dhoobley oo isbuucyadii ugu dambeeyay ahayd meel gacan ku haynteeda marba qolo la wareegaysay ayaa waxaa naloo xaqiijiyay in markale ay ciidamada xooga dalka soomaaliyeed la wareegeen.

Warkan ayaa naga soo gaaray wariyaha Maamul goboleedka Asaaniya ee furinta dirirtu kasocoto, waxaan akhristayaasheena la socodsiinaynaa in shabakada www.jubbalanddf.net ayna ogayn in laga soo bixi doono sidii horey u dhacday & in kale.

Wararkan oo faahfaahsin inshaa allah iyo sida ay dhaarintii madaxweynaha asaaniya u dhacdo dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

Codka jubbaland www.jubbalanddf.net

————

Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Azaaniya oo la dhaarinyo.

Magaalada Limuru Ee duleedka Caasimada Nayroobi oo maalmahan uu ka socoday shirkii Maamul u sameynta Sedaxda gobol Jubada  Hoose Jubada dhexe iyo Gedo ayaa maalinta barito ah lagu dhaarindoonaa Maxdawaynaha Dawlad Goboleedka Azaaniya Shirkana lagu soo xidhidoonaa.

Waxaana caawa laga dareemayaa diyaar garow aad u heer sareeya oo ay ku jiraan ergooyinka ku sugan Hotelada Magaalad Limuru,  waxay aad u sugayaan maalinta barito ah oo ay halkaas ka dhici doonto dhaarta madaxwaynaha Dawalad goboleedka Azaaniya.

Waxaa lagu balamay Subaxnimada barito  xilliga Afrikada Bari si loo dhaariyo Profer Maxamed Cabdi Gaandi  xafladda dhaarta Waxaa lagu qaban doonaa Goobta ay doorashada madaxwaynahu ka dhacaday maalmo ka hor  ee magaalada Limuru duleedka Nayroobi .

Waxaana goobta xafladda dhaarta ka soo qayeb gali doona   xubno ka socda Midowga Yurub, Midowga Afrika, ,UNta , ,mas’uuliyiin ka tirsan  DKMG ee Soomaaliya Iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay Xaflada dhaarta.

Sidoo kale   Ka soo qayebgali doona  wariyayaal caalami ah oo ka socda wakaaladaha wararka, iyo saxaafada gudaha, fanaaniinta soomaaliyeed, iyo marti sharaf kale

Codka Jubbaland www.jubbalanddf.net

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay