Ogaden News Agency (ONA)

Finland oo loogu baaqayo jaaliyadda ka soo qaybgalka xuska sanadguurada 28aad

Waxaa dhamaan jaaliyadda soomaalida Ogadenya ee ku nool wadanka Finland la ogeysiinayaa in maalinta taariikhdu ay tahay 25.08.2012 oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota uu ka dhici doono hoolka shirarka ee ku yaalla xarunta dhalinyarada ee xaafadda Arabia (Arabian Nurorisotalo) shir lagu xusayo aas-aaskii jabhadda ONLF.

Shirka ayaa bilaaban doono saacada Finland marka ay tahay 15.00 ama 3.00 galabnimo haddii Eebe idmo.

Shirka waxaa ka hadli doona masuuliyiin ka socota jabhadda ONLF, oo ka hadli doona arima badan oy ka mid yihiin; Taariikhda Ururka. Waxaa kaloo ka hadli doona shirka Maamulka Jaaliyadda, Hogaanka OYSU, Ururka Haweenka, Culumada Diinta iyo Marti-sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Waxaa dhamaan xubnaha jaaliyadda laga codsanayaa in shirkaas ay ka soo qeyb-galaan

Maamulka Jaaliyadda Finland.

ONA.

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=15119

Posted by on Aug 21 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,221
  • Last 7 days: 58,646
  • Last 30 days: 245,822
  • Online now: 24
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com