Waxaa caalamka uu si lama filaan ah uga maqlay TV-ga Itobiya inuu dhintay Meles Zinawi iyadoo maalma ka hor uu sheegay Berket Simon, Wasiirkooda Warfaafinta inuu maalma ka dib ku soo noqon doono xafiiskiisa oo uu ka buskooday cudurkii hayay. Waxau muujisay arintasi inay jirto dhibaato hogaaminta dalka ah oo looltan adag uu ka dhex socdo rukunada siyaasadeed ee dalkaa oo la’isku haysto jagada uu baneeyay KT Meles Zinawi oo saxaafadda caalamka ay ku tilmaameen inuu ahaa nin adag oo madaale ah oon u ogolaanin qof kale inuu ka dhex muuqdo siyaasadda Itobiya.

Si kastaba ha ahaatee, sidii dhaqanka siyaasiga ay ahayd, madaxda caalamka ayaa tacsiyo u soo diray Itobiya ay ku amaanayaan doorkii uu Meles ka ciyaaray siyaasadaha caalamiga iyo Afrika iyo waxay ku tilmaameen inuu Itobiya u horseeday horumar. Arintaa diblomaasiyadda ah marka laga tago, waxay saxaafadda caalamka aad u dhex galeen inay wax ka qoraan habkii hogamineed ee Meles Zinawi iyo xoogaga ka soo horjeeda xukunkiisa iyo inay saadaaliyaan meesha ay ku dambayn doonto Itobiya.

Ugu horeyn saxaafadda caalamka ee wararka qora iyo wargaysyadaba waxay aad u soo xigteen bayaankii ay jabhadda ONLF ka soo saartey dhimashada KT Meles Zinawi iyagoo cinwaan uga dhigaya; Jabhadda mucaardka ah oo ku tilmaantay dhimashada Zinawi fursad u keeni karta Itobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika nabadgalyo iyo xasilooni. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa ka mid ahaa wararka ay gudbisay sidan; (“The death of the Ethiopian dictator may usher a new era of stability and peace in Ethiopia and in the Horn as a whole,” a statement by the Ogaden National Liberation Front (ONLF), said.).

Warsxaafadeedkii ONLF ayay wargaysyada caalamka ee waaweyn iyo idaacadaha iyo TV-yadaba soo qaateen, waxaana kala soo xidhiidhay jabhadda idaacada kala duwan. Sababta ugu horeysa ay wargaysyada caalamka ula kala ordeen warsaxafadeedka ururka waxay muujinaysa dareenka laga qabo in xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda nidaamka gumaysi ee Itobiya.

Wargayska Guardian ee caalamiga ah ayaa cinwaan uga dhigay maqaalka ay ka qoreen dhimashada Zinawi sidan, – Ethiopian PM Meles Zenawi’s death sparks fears of turmoil – oo ah; Cabsi laga qabo in geerida R/Wasaarihii Itobiya Meles Zenawi oo qalaaqal dhaliyo. Marka laga soo yimaado amaanta caadiga ah ee qofkii dhintaba loo fidiyo (hadaad amaan rabo dhimo, hadaad cay rabtona guurso), waxay jariidada Guardian-ka xooga saartay arimaha la xidhiidha ku tumashada xuquuqda aadanaha intuu xukunka hayay Meles iyo sidoo kale dimoqraadiyada oo afka baarkii inay ka ahayd ay tilmaantay. Waxay soo qaadatay gabadha u qaabilsan arimaha Afrika Amnesty International Claire Beston oo tidhi; “ 21kii sanee uu xukunka hayay Meles waxaa caalamad u ahayd cadaadiska iyo ku tumashada uquuqda aadanaha oo sii kordhayay.” Waxay xukuumadiisa salka u rujisay codkii mucaaradka iyo warbaahin madaxbanaan, waxay ishortaagtay ururada xuquuqul insaanka, waxay cunaha qabteen mucaaradka siyaasadeed. Waxay intaa raacisay; “xabsiyada Itobiya ayaa buuxdhaafiyay siyaasiyiinta u xidhan tuhunka, indheergaradka reer magaalka ah, beeralayda. Waxaa caadi ah jidh dilka loo gaysto dadka. Awoodii iyo fursadihii dawladda waxaa loo adeegsaday in dadweynaha lagu kontroolo. Tobanaan kun oo Itobiyaan ah ayaa dalka ka cararay.”

Sidoo kale wargayska Businessweek wuxuu qoray maqaal cinwaankiisu yahay; -Ethiopian Succession Battle May Test Stability of Key U.S. Ally- Xasiloonida Dalka saaxiibka la ah U.S oo marxalad adag maraya qofkii jagada qaban lahaa. Wuxuu qoray wargayskan xubnaha EPRDF ee tartanka xoogan uu ka dhex socdo inay yihiin; Hailemariam oo ah R/wasaare ku-xigeenka, Wasiiru dawlaha AD Berhane Gebrekristos oo TPLF, Ayalew Gobeze oo ah M/weynaha Amxaarada, Tewodros Adhanom Gebreyesus oo ah wasiirka caafimadka oo ka tirsan GF ee TPLF. Waxay kaloo sheegeen in R/wasaare ku-xigeenka aanu ku lahayn awood ciidanka dhexdiisa oo qawmiyadda Tigreega ay gacanta ku hayaan.

Wargaysyada caalamka guud ahaan arimahaa ayay tibaaxayeen. Amaan looga soo jeedinayo xagga dhaqaalaha Itobiya oo la leeyahay kor ayuu u qaaday iyo dhanka xuquuqul insaanka oo la qiray inuu si aad ah ugu tuntay. Hadaan arimaha dhaqaalaha fiirino oo aan la’isku wada raacsanayn marka laga yimaado amaanta loo jeediyo qofka dhintay, dhaqaalaha Itobiya ma’aha mid ku dhisan waxa loo yaqaano –Dhaqaale waara (sustainable economy)-, oo ah in dhaqaalaha dalka uu ku dhisan yahay muwaadinka  iyo baya’ada dalka oo horumar joogta ah sameeynaya aan ku xidhnayn mucaawanada dibadda laga siiynayo ama maalgalinta shirkada shisheeye oo haday joogsato uu horumarkii la sheegayayna istaagayo.  Dhaqaalaha Itobiya wuxuu ku xidhan yahay balaayiinta doolar ee sanad walba la siiyo dalkaa iyo shirkadaha gaar ahaan kuwa beeraha ee dalalka Asia oo dhul beereedkii la siinayo, taasoo dib u soo celisay xusuusta dhul boobkii qarnigii 18aad ay xoogaga Yurub ku adoonsadeen dalalka Afrika. Waxaa kaloo dhaqaalaha Itobiya gacanta ay u gashay koox yar oo Tigree ah oo sidii mafiyada u boobaya dalkaas oo gacanta ku dhigay wax soo saarkii bunka, dahabka iyo shirkadaha dhismaha iyo xataa kuwa xawaaladahan lacagta dibadaha. Kooxdan maafiyada ah ayaa gaar ahaan waxay bixiyaan malaayiin doolar oo dacaayad loogu samaynayo dhaqaalaha Itobiya, taasoo looga jeedinayo caalamka dhibaatada haysata malaayiinta shacabka ah ee sicir bararka uu dhibaateeyay oo quutal yoomkii uu dhib ku yahay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay