JOKA oo jaaliyadda Somaliyeed ugu baaqaysa ka soo qaybgalka xafladda sanadguurada 28aad
Dhamaan bulshada Somaliyeed ee ku nool Port Elizabeth iyo magaalada Uitenhage iyo nawaaxigeeda waxaa la ogaysiinayaa in la qaban doono xuska 28guuradii ka soo wareegtay asaaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (ONLF). Waxaa lagu qaban doonaa xuska magaalada Uitenhage. Waxaa dhimashadka lagaga hadli doonaa taariikhda halganka JWXO iyo sidoo kale Kaligii taliyihii Itobiya ee dhintay, ninkaa oo dhibaatada ka jirtay guud ahaan Geeska Afrika een dhamaadka lahayn horseedka u ahaa, isagoo fadqalalo aad u badan ka waday Gobolka. Waxaa kaloo lagaga hadli doono waxa iska badali kara arimaha Geeska Africa iyo arimo badan oo xasaasi ah oo quseeya bulshada Somaliyeed.
Waxaa laga codsanayaa dhamaan Somalida ku nool Port Elizabeth inay ka soo qayb galaan xafladdan, waxaana ka hadli doona; Ugaasyo, Salaadiin, Culimo, Aqoonyahan iyo Oday dhaqameedyo waaya-arag ah.
- Taariikhda 26 ogoosto
- Magaalada Uitenhage
- Goobta waa Mouth Hall shoprite-ka gadaashiisa oo ku taal central Uitenhage
Wixii Faahfaahin ah kala xidhiidh Tel. 0717499930
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=15139














