Wararka naga soo gaadhaya Xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya Dagaalo ka dhacay Deegaano kamid ah dalka, dagaaladaas oo ciidanka Gumaysiga loogu gaystay khaseere isugu jira dhimasho,Dhaawac iyo Burbur gaadiid

Haddaba dagaaladii u dambeeyey een hrelnay warbixintooda ayaa waxay u dheceen sidan;

14/08/2012 Cutub katirsan NH/CWXO ayaa Hadhcad waxay weerar ku soo qaadeen askartii gumaysiga ee ku sugnayd magaalada Fiiqwaxaana madaafiic ay saareen NH/CWXO haaraha dhaareer ee ku yaala duleedka Magaalada sixun loogu naafeeyey Askarta gumaysiga waxaana lasheegayaa in duqayntaasi ay ka soo gaadhay wayaanaha khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac xoogan

16/08/2012 Weerar Mir ah oo xoogan ayaa waxaa lagu qaaday Deegaanada kala ah Xamaro, Galaalshe iyo Magaalada Dhagaxbuurwaxaana askrta gumaysiga ee ku kala sugnayd Magaalooyinkaasi loo gaystay khasaare lixaadle

19/08/2012 Deegaanka Dig ee Gobolka Jarareed kamiin si qorshaysan loogu dhigay gaadiid uu laahaa gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa lagaga gubay hal Baabuur waxaana halkaasi ku basbeelay Baabuurkaasi iyo Askartii gumaysiga ee saarnayd

21/08/2012 Cutub katirsan NH/CWXO ayaa waxay weerar ku qaadeen Magaalada Bambaas oo katirsan Gobolka Jigjiga waxaana ay NH/CWXO la wareegeen xero ciidan oo kutaalay magaalada waxayna halkaasi kulaayeen askar farabadan iyagoo xeradaasi ka qaatay wixii qalab milatari ahaa ee yaalay

20/08/2012 Deegaanka Madigaan oo isna katirsan Gobolka Jigjiga kamiin ay ka xidheen NH/CWXO ayaa waxaa soogalay gaadiid ay lahaayeen askarta gumayisga Ethiopia waxaana halkaasi lagu dhalaaliyey hal Baabuur iyo Askartii saarnayd

22/08/2012 Duleedka Magaalada Galaalshe kamiin ay ka xidheen cutub katirsan NH/CWXO ayaa waxaa si indha la’aan ah usoo galay gaadhi milatari oo ay saarnaayeen askar farabadan waxaana halkaasi lagu dilay 50 Askari oo saarnaa gaadhigaasi

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay