Mudane Faarax Macallin oo shaaca ka qaaday waxyaaba badan oo la qarinayay
Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Kenya, mudane Faarax Macallin ayaa shaaca ka qaaday mar l
aga wareystay idaacada VOA qaybta Somaliga waxyaaba badan oo la qarinay. Wuxuu mudane Faarax Macalin oo ah shaqsi siyaasi ah oo aan runta ka gabanin sheegay inuu in ra’iisul-wasaarihii geeriyooday ee dalka Ethiopia Meles Zenawi uu mas’uul ka ahaa dhibaatadda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Wuxuu kaloo sheegay Faarax inuu Meles abuuray ururka al-Shabaab ee dagaalka ka wada Soomaaliya, arintaa oo Somali badan ay hadda ogaatay.
Mudane Faarax Macallin ayaa ugu baaqay siyaasinyiimta Somaliyeed inay ka xoroobaan cabsida ay ka qabaan Itobiya oy ogaadaan inay Itobiya ka dambayso dhibaatada haysata dalka Somaliya, isagoo raaciyay inay M/weynihii hore Cabdulaahi Yusuf oo qiray inay Itobiya khiyaantay oo uu dhintay isagoo ka shalaytoonaya xidhiidhkii uu la lahaa Itobiya.
Halkan ka dhagayso;
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
ONA.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=15146














