Waxaa qorshaysnayd in maalinkii shallay ahayd ay isugu yimaadaan kulan aan caadi ahayn barlamaanka Ethiopia, kulankaas oo ahaa in lagu dhaariyo raysalwasaare cusub oo kumeel gaadha, kullankaa dib ayaa loo dhigay, lamina sheegin xilliga la qaban doono.

Arinkan ayaa  adkaynaya tuhunkii ahaa in jahawareer iyo is-hardin hoose  ka haysto xukuumadda TPLF ciddii  badali lahayd Meles.

Baarlamaanka Ethiopia waa 547 xildhibaan oo uu kujiro 1 xildhibaan oo mucaarada,  marka muran kuma jiro in uu si aqlabiyad ah 99.9% uu heli doono ninkii ay keenaan TPLF oo ah tirade taageerada mucjisada ee uu heli jiray Meles. Marka maxaa keenay in la hor keeni waayo ninkan ay hadda wataan reer galbeedku ee ahaa ku xigeenkii Meles?. Waxa cad oon mugdi ku jirin TPLF in ay liqi la`adahay Hailemariam, kana galgalanayaan magacaabidiisa,  Haddaan qodobayno ciladaha hortaagan waa sidan.

Waa kuma Hailemariam.

Hailemariam wuxuu kasoo jeeda asal ahaan qowmiyada Walayta oo ka tirsan shucuubta koonfureed ahna qabiil yar oo aan horay looga baran iney ka muuqdaan siyaasadda Ethiopia. Wuxuu xilka madaxtinimada shucuubta koonfureed ka dhexlay madaxweynihii hore ee shucuubta koonfureed Abate Kisho oo mucaarad ku noqday xukunka Tigreega. Sanadkii 2010 kii ayuu Meles u magacaabay inuu u noqdo kuxigeenjkiisa isla markaana hayo jagada wasiirka arimaha dibadda. Waana gudoomiye ku xigeenka EPRDF.

Waa nin jilicsan aadna isu liida sida dadka aqoonta  u leh sheegaan, madaxana aan kor u taagin laakiin maamulka ku fiican. Waxaa la leeyahay sinaba kuma buuxin karo booskii Meles ee ahaa kaligii- taliyenimo  adag oo bilaa naxariisa. Ma aha nin awood u leh inuu xakameeyo mucaaradka xisbiga dhexdiisa ee wuxuu ahaa nin ku hoos gabada  Meles hadhkiisa.

Siday u arkaan TPLF.

TPLF oo ah awooda rasmiga ee EPRDF oo ah dallad beenaada ay ku bahoobeen xisbiyada kala ah OPDO,SEPDF,TPLF,iyo ANDM.  Tigreega oo ah TPLF ayaan marnaba aan u ogolayn in cid kale xukunkii ay qoriga caaradiisa ku qabsadeen ay daaqada  cidi si dhibyar uga soo gasho. Waxa tartanka kujira iyana haweeynayda Meles oo shaqsiyaad iyo siyaasiyiin reer  galbeeda  qabaan in ay iyadu uun badali karto Meles.

Cillada dastuuriga ah.

Dastuurka Ethiopia qodobkiisa 75 aad ayaa qeexaya awooda kuxigeenka raysalwaasraha wuxuuna dhigayaaa sidan.

1: Awooda raysalwasaare kuxigeenka

A: Wuxuu gutaa oo kaliya shaqadii uu u diro raysalwasaraha dalku

B: Wuxuu sii matalaa raysalwasaaraha xilliga maqnaanshihiisa

2: Waxa la xisaabtami kara uun oo kaliya raysalwasaaraha.

Marka macnaheedu waxaa weeye hadii ninkii isaga magacaabay dhintay isna xilkisu hawada ayuu ka baxayaa oo majiro raysalwasaare ku xigeen siihaya xilka, kolka see loo horgayn barlamaanka xil aan jirin ama shaqsi aan jirin.

Awooda raysalwsaaraha ayaa isna lagu qeexay qodoba 74aad.

Waana  13 qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin kuwan ¨

Qodobka  1 aad iyo kan 7 aad oo kala dhigaya.

1:Raysalwsaaruhu waa madaxa qaranka iyo taliyaha ciidanka qaranka

7:Wuxuu magacaabaa madaxda sare ee dalka oo dhan iyo qaadiga maxkamadda sare.

Seey marka ku dhici doontaa iney Ethiopia oo caan ku ah hirgalinta kala saraynta qabiilada ay siiyaan awooda intaa dhan nin kasoo jeeda qoowmiyada Walayta.

Qodobadan dastuuriga ah ayaa keenay iyaguna ineey xaalladii sii cakiraan iyadoo markii horeba sii qallafsanayd.

Gabogabo.

Wareerka siyaasiga ah ee Ethiopia kajira manta ayaa ah mid aan wali soo marin xilliyadan.

Wadankii oo bilaa hogaana xaqiiqatan,  iyo taliyahii ciidanka General Samora ayaa isna caafimaad darro loo keenay Germanka.

Taladii sare ee wadanku waa kumeel gaadh, ciidankii waxeey kujiraan iyana kumeel gaadh, wadankii oo dhan  ayaa hakad kujira tani waxeey keenaysaa in ay adkaato go`aan qaadashada maamulkaa kumeel gaadhka oo la kulmi doona cilad dastuuri ah.

By : Maxamed Dheeg.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay