Sheekh Ummal ayaa maanta qudbadi Jimacaha kusoo qaatay khudbadii Jumcaha Tacsida madaxda soomaalida qaar kamid aha ay  u direen  Tigreega

wuxuuna Yidhi; “ma banaana in loo tacsiyeeyo Gaal u tafo xaytay baabi’inta Muslimiinta Geeska africa dhaqaalona kagaga qaata gaalada masiixiyiinta iyo waliba Dowladaha reer galbeedka”

Khudbada oo Vidio aha ayaan ONA kusoo daabici doonaa haduu allaah yidhaahdo (inshallaah).

Waxaad hoos kala baxdaan qoraal bayaan ah oo ay soo saareen Ururkii Al Itaxaad ee magacyo badankaa ahaa ee u xarooday Zenawi oo baroor diiqda Zenawi tacsi u diray ehelada iyo Woyaanihii uu ka geeriyooday Males Zenawi. Ururkan oo Culumo iyo magac diini wata ayaa ummada Islaamka ahi aad ula yaabeen tacsida ay u direen ninkii laayay shacabka Muslimiinta ah ee Somalida Ogadeniya.

Qoraalka hoos ka fiirso.

………………………………………………………………………………….

Hoos Qoraalka Qadka Casaanka ah Guji si aad u aqrisato Qoraalki Ururka Al Itixaad oo PDF ah ama hoos ka aqri.

Tacsidii loo diray Zenawi[1]

ONA.

 

 
 

6 Comments

  1. daacad says:

    maxaa ceeb oo ku jira qoraanka? onlf se maxay talo iyo tabar toona haysaa? ma cimridagaal bay talo mooday? miyayna cid wax garad ah ku jira? away strategicalmentality? markaa saa leeyahay ogaada xaa 1% ma taageersani wadaadadaas ama nidaamka xabashida iyo ina ilay toona!! colna lama ihi onlf oo waliba ogaadeen baan abtirsiinkaygu yahay!! balse dadkayga iyo dalkiisa ayaan daacad u ahay, waayo aranimo iyo aqoonna waan leeyahay!

  2. Ina Adam says:

    re: daacad

    Marka koowaad; waxay wadaadada warqadda qoray ku khaldan yihiin, in ay khilaafayaan shareecada islaamka oo leh qof gaalnima ku dhintay ,oo ahlu jaxiima ah tacsi looma diri karo.

    waxaase dambi iyo jariima ah in shay shareecadu mamnuucday aad baneysatid,
    shalaydii dhaweyd waxaad dhiigooda daadisay dad badan adoo leh waa gaalo raac, way bannatahay in la laayo; maanta miyuuna iyaga ku fulaynin sharcigaasi, mise waa la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan. haday sidaas tahay Allah wuu caayey kuwa sidaas sameeya, ciqaab kulilina way sugi.

    tan labaad ONLF: waa urur gobanima doon ah , inta gumaysi jina gobanima doon wuu jiri, wax muda ah oo u xadidana ma jirto, xageedse ka akhrisatay, dad xuquuq doona in aad wakhti u xadido, ood tidhaahdo wakhtii maadaama uu dheeraaday, aan gumeysiga iska aqbalno!!!!!!!

    tan ugu dambeysa: haddad sheegatay in aad tahay nin aqoon yahan ah, sidey ku dhacday in qoraalkaaga uu budh ka yahay spelling mistakes!!!!!!!!!!!!!!!.

  3. Shugri says:

    Can u give me the link to watch it please?
    Mahadsanid

  4. markahore waxan salamaya adam markigta waxan leeyahay mr dacad halgan malaha wakhti cayiman dadaalaa gaadhaa sxb waxa kaa maqan kuwa hada ina gumaysaba inay ahaayeen jabhad xornimo doona

  5. Yusuf budul says:

    Meles zenawi inuu gaal ahaa cid diidani majirto in loo duceeyana ma banaana lakiin waxqabadkiisi in laxuso laguna amaano wuu mudan yahay runtii onlf inay ummada kujahawareeriso siyaasadeeda fashilantay maaha, shacabka somalida ethiopiana iyaga aayahooda katashanaya maanta

  6. wadani says:

    ku yusuf budul saaxiib hadii aad kamid tahay kuwa kudalaca kufsiga gabdhaha ama ka raadiya macaash laynta shacabka somalida ogadenia way dhowdahay in shaa alaahu markii cadaalada lakeeni lahaa danbiilayaasha towbadu way furantahay inta qofku uu haysto jaaniska nololeed laakiin markii laqabto way kadhmaatay waxa aad leedahay somalida ethiopia adeer ismagalaan labada magac ee aad dusha iska saarisid soomaali waa soomaali abasiiniyana waa abasiiniya adeer riwaayadaadii xaaraanta ahayd way dhamaatay onlf hadaad qirikarto ama sheegi karto runta way guulaysatay ethiopina iyada ayaa baryootan ah maanta kuwii nagu taageeri jiray aya diiday in ay taageeraan markaas adeer wakhtigu yuusan kaa dhicin hadiikale isudiyaari in aad maqale kuguursato anjii tegray ah

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay