Warbixinadii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhay dagaalada sida maalin laha ah uga socda Ogaadeniya  ayaa sheegaya dagaalo farabadan oo khasaare lixaadleh loogu gaystay gumaysiga Ethiopia. Dagaalada ay na soo gaadheen warbixanadooda ayaa u kala dhacay sidan;

–          06/08/2012 Deegaanka Xamaro isna dagaal kadhacay waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale

–          04/08/2012 Deegaanka lagu magacaabo Duda-iriiri oo katirsan Magaalada Fiiq dagaal halkaasi ku dhex maray NH/CWXO iyo Askarta gumaysiga Ethiopia waxaa askarta gumaysiga lagaga dilay 2 Askari waxaana  lagaga dhaawacay 3 kal

–          11/08/2012 Meesha lagu magacaabo Gol-shabeel oo Iimay- bari udhow waxaa Askarta gumaysiga lagaga dilay 2 Askari

–          11/08/2012 Dagaal ka dhacay Magaalda Galaashe kaasi oo u dhaxeeyey NH/CWXO iyo Askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa lagaga dilay askarta gumaysiga  4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 6 kale

–          11/16 iyo 18/2012 Waxaa iyaguna jira weeraro iyo mir lagu qaaday askarta gumayisga ee ku sugnayd deegaanada kala ah Ellale oo Goday katirdan,Garsad oo Bulaale udhow iyo  Kaaluub oo shilaabo u katirsan waxaana weeraradas loogu gaystay askarta gumaysiga khasaare lixaadle

–          16/08/2012 Magaalda Fiiq Cutub katirdan NH/CWXO oo galay gudaha magaaladaas ayaa waxay halkaasi ku dileen 3 Askari oo ah ku wagumaysiga Ethiopia waxayna ku dhaawaceen 4 kale

–          Taariikhdu markay ahayd 19/08/2012 Deegaanka Rooxaale oo u dhaw magaalada Sagag  dagaal kadhacay halkaasi waxaa askarta Naf lacaariga ah ee gumaysiga madow lagaga dilay 9 Askari waxaana lagaga dhaawacay 10 kale

–          21/08/2012 Meel aan sidaasi uga fogayn Deegaanka lagu magacaabo Duruuro-Arbe  oo udhow magaalada Baabili ayaa waxaa ku rogmaday gaadhi ay saarnaayeen askar gumaysiga Ethiopia ah oo carar ahaa kadib markii ay u adkaysan waayeen weerarada joog tada ah ee ay ku hayaan NH/CWXO waxaana halkaasi ku naf waayey 33 Askari oo ay ku jiraan  8 haween ah oo ay qabeen waxaan kabad baaday 2 askari oo dhaawac ah

–          Maalin kadib marka uu gadoomay gaadhigaasi ayaa 22/08/2012 waxaa isna deegaanka lagu magacaabo Dhadhanle oo Jigjiga karitsan ku gadoomay gaadhi kale oo saarnaayeen askar  carar ah waxaana halkaasi ku dhamaaday dhamaan askartii saarnayd gaadhigaasi oo ay san waxba kabxin

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay