Sidaad  kala  socoteen warbaahinta waxaa  meela kala duwan uu caalamka ah ka socoday damaashaadka sanadguurada 28aad ee asaaskii ONLF. Xaflado balaadhan ayaa meela kala duwan oo dalka Koonfur Afrika ah lagaga xusay munaasabadan. Xarunta jaaliyada JOKA ee Yutnig ayaa xaflad aad u balaadhan lagu qabtay oy ka soo qayb galeen dhaman bulshada qaybaheeda kala duwan sida odayaasha, Dalada culumaa u diinka, Ururka hooyooyinka iyo Ururka dhaliyarada OYSU oo gundhig u ahaa qabsoomida munaasabada iyo dhamaan ganacsatada.

Munaasabadan oo abaabulkeedu mudo socday ayaa ahayd mid si heer sare loo soo camiray, ayadoo kasoo qayb galayaasha wajigooda ay ka muuqatay  farxad iyo rayn rayn ay muujinayaan inuu halganka shacabka S.Ogadenya uu taabagal noqday. Waxaa kaloo ay ku faraxsanaayeen uu bakhtiyay dhiigyacabkii gumaaday umada Soomaaliyeed ee Gees-Afrika.

Munaasabada waxaa lagu furay, muxaadaro diini ah oo uu soo jeediyay sheekha Somalida Koonfur Afrika fadiiladu Sh. Nadir.

Sidoo kale waxaa qudbad qiimo badan ka soo jeediyay munaasabada gudoomiyaha JOKA  mudane Bashir Muxumed oo ka xogwaramay hadafka jabhada ONLF iyo doorka ay kaga jirto siyaasada Geeska Afrika iyo sida ay xal ugu tahay qadiyada Ogaadeniya daganaanshaha Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale munaasabada lagu soo bandhigay taariikhda dalka Ogaadeniya. Waxaana soo bandhigay mudane Cabdifatax Xasan. Taas oo markii qarniga 19 aad iyo qarniga 20 aad uu ka hadlayay dadka intii badanayd ay indhahoda ilmo katimid.

Waxaa kaloo munaasabada ka hadlay odayasha iyo wax garadka iyo ganacsatada, waxaana sidoo kale lagu soo dhaweeyay masraxa Abwaan Khaddar Colaad (n/Hure) oo munasabada gabay ku aadan kuna socoday KT Zanwigii bakhtiyey ka tiriyay. Waxaana kamid ahaa gabayga uu tiriyay;

Qadar eebe mooyee xornimo waa laqaabilay e

Qudhunkii afqoorada lahaa wuu quluushaday e

Qashiinkii naguumaysan jiray qaadirkaa dilay e

Qufaciyo xanuunkan qabniyo qoontu way hadhi e

Qaxa iyo qabiilkaa ladayn oo qurbaa dhiman e

Qadoodigi nasoo daashadiyo qiiqu wuu dami e

Qalabkaata qayrkeen kufriga quusi waa hore  e

Waxaa  shirka  mar kale lagu  soo dhaweyey Sheekh Nadir oo dadkii fadhiyay kaga oohiyay ka dib markuu yidhi maanta waxaan xidhanahay dirays dagaal ama dharka loo yaqaano tuute oo ah kii  mulatariga ah. Hada ka hor waxaan xidhnaan jiray khamiis oon iska bixiyay, waa inaan kacanaa oon dagaalka galnaa. Wuxuuna si  kulul oga hadalay xaalada  gumaysiga Itoobiya maanta  ku jirto iyo fursadaha aan  haysano.

Ku-xigeenka Hogaanka Arimaha Abaabulka iyo Bulshada mudane Gmaadiid ayaa khadka Tel. kagala soo qaybgalay jaaliyadda oo uga xogwaramay xaaladda dalka iyo halganka.

Munaasabadan mid la mid ah ayaa lagu qabtay malagaalada JOHANESBURG oo xaflad jaaliyadeed oo si heer sare ah loo soo abaabulay lagu qabtay. Kulankan ayaa waxaaa ka soo qaybgalay dadwayne kor u dhaafaya 700 oo qaybo kamid ihi safaro dheer dheer u soo galeen si ay uga qaybgalaan dabaalbadagan.

Furitaankii ka dib; ayuu af hayeenka jaaliyada khudbad dheer oo meelo badan taabanaysa ka jeediyay isagoo u sheegay dhagaystayaashii in sanad kasta wakhtigan oo kale ummada Ogadenia ay xasuusato taariikhdii madoobayd ee soo jireenka ahayd ee lagu soo gumaystay Ogadenia. Wuxuu yidhi afhayeenka jaaliyadda; “Sanadkasta wakhtigan oo kale waxaanu gogol u fidinaa dadwaynaha Somaliyeed gobolkasta oy ka soo jeedaan, si ay fursad ugu helaan inay wax iska waydiiyaan kana tashadaan cadawga Ethiopia, ee bur-buriyay kuna taamaya inuu intii uu horey u haystay ku dursado intii xoriyada haysatay”.

Gudoomiyaha JOKA-Gauteng ayaa isagu khudbad taariikhi ah ka jeediyay goobta kuna dheeraaday sababta Itobiyia col inoola tahay inaguna col ula nahay. “Waxaa jirta oo qofkastaba ogyahay in labada jinsiyadood ee Abyssinia iyo Somalidu ay kala hogaamin jireen labada caqiido ee muslimka iyo gaalada, iyadoo marwalba boqortooyada Abyssinia ay ku soo duuli jirtay say dhulka muslimiinta u qabsadaan. Hardankuna halkaas ayuu ku sal lahaa, qolakastana waxay aaminsanayd inaysan sii jiri karin qolada kale hadayna ka takhalusin.”

Dabaaldagyada ka socda dalka Koonfur Afrika oo ah dal aad u balaadhan ayaa sii socon doona.


ONA_koonfur afrika

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay