War dagdag ah oo hadda naga soo gaadhay Xarunta dhexe ee CWXO ayaa naloogu sheegay inay nafatood-hurayaasha CWXO saaka subaxdii ku waabariisteen xerada ciidanka gumaysiga uu ku lahaa dagmada Galaalshe halkaasoo dagaal xoogan ka dib gacanta lagu dhigay.

Wararku waxay intaa ua darayaan inuu weli dagaalkii socdo iyadoo ciidama guamsyiga uu lahaa oo gurmad ahaan loo soo diray iyagana cagta la mariyay.

Waxaa kaloo muhiim ah in xabsi gaar ah loogu tagay labadii shaqaalaha haya’dda WFP ka socday ee todobaadkii hore ay afduubeen ciidamada Itobiya iyo maxaysata la socotay ka dib markay dileen darawalkii waday. Labadaba way badqabaan waxaana hadda gacanta ku haya CWXO oo mardhow caalamka ku wargalin doona inay wareystaan siday xaaladooda ahayd iyo habkii loo afduubay iyo intii ay u xidhnaayeen waxyaabaha ay arkeen iyo wixii lala maaganaaba.

Wixii ka soo kordha gadaal ayaan faafaahinteeda idinkala socodsiin doonaa.

ONA.

 
 

4 Comments

  1. Allxamdulilaah ilahay baa mahada iska leh ilahaygi cidanka wadaniga xoraynta ogadenia na siiyay waa guusha halganka iyo shacabka ogadenia iyo guuldarada cadowga ethio way fashilantay wale ilahay qofu ceebenayo cidna ma asturi karto calamkuna way arkaan duliga iyo hafaryada lagu hayo shacbka iyo halgankooda hambalyo cidanka jabhada wadaniga xoraynta ogadenia iyo madaxdooda guulaysta ilahay idankii dhulka intaad ka xoraynaysaan shacbka iyo dhalinyarada wadanku way idin garab taagna yahiin.

  2. M. ILYAS says:

    waa guul jwxo
    Allahu Akbar

  3. shiine says:

    Allahu akbar p
    ilaahay baa ku mahadsan guusha usoo hoyatay ciidanka qalabka sida iyo shacabka ay dartood ayda ugu jiraan waxan aad oogu farax sanahay sida mujaahidiinta ONLF ay u fuliyeen hawlgalkoodii ciidan ilaahayna ugu guuleeyay haku quus qaataan qandhicilayda wayaane iyo bakhti fuulka aan damiirka lahayn guusha xaqu dirirkaa leh iinsha allah guul iyo gobonimo
    viva onlf

  4. allaahu akbar allaa mahad leh waa guul umada uso hooyanaysa …
    JWXO ayaa fashishay gumaysigii hadda toloow itoobiya maxay ku qawlli dontaa waa tan fashilan taye waa iyadii maalmo ka hor adduunka beenta usheegaysaye hada nimankii ay xabashidu afduubten oy jabhaddu soo furatayna waa lahayaaye .waxaase iiga si daran markaaanu maqalay ina ileey oo diiday inuu kajawaabo su aal laga way di yay arrintaas shaqaalahaWFP dee muxuu dhihi dooo naa ilaa haybaa fashilaye …. waxaanu hanbalyo udiraynaa dhamaan xoogaga dalka ogadeeniya iyo madaxdooda iyo cidkastoo kufarxaysa jabka gaalada kudhacay maanta WAXAANU IDINLEE NAHY GUU LAYSTA WALI GIIN WAXAADNA OGAATAAN INUU XOOGGA XAQQU KA KOREEYO GUUUUUUL

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay