Dad badan oo la socda arimaha Itoobiya iyo geerida kutimid macangagii kaligii taliyaha ahaa ee Males Zenawi, ayaa isweydiinaya waxa sababay waxay ku tilmaameen “Kacaanka Ooyinta” ee sida lama filaanka ah uga dilaacay dalka Itoobiya iyo sababaha keenay in sidan loogu baroor-diiqo arxan-laawe dadkiisa baday xasuuq, dil iyo barakicin ay adag tahay in la helo taariikhda qof lagu mataalo ama la barbardhigo falalka waxshinimada ahaa  ee uu geystay 21-dii sano ee uu taliska TPLF, gadh-wadeenka ka ahaa.

Inta aynaan u gelin jawaabta su’aalahan oo aan lagu soo koobi karin qormo iyo laba toona, waxaa mudan in aan wax yar iska nidhaahno cidda uu ahaa kaligii taliyihii  geeridiisa dad badani  farxad daraadeed la ooyeen. Males wuxuu ahaa dhiig-yacab aan u tudhin shucuubta uu cadaadiyo iyo kuwa uu dhulkooda gumeysto sida shacabka Ogadenia,  oo uu baabi’intooda u jeexay qorshe walba oo uu is lahaa waad ku curyaamin kartaa ummadda  si loo waayo jiil dambe oo u guntadda halganka iyo hanashadda dawladnimadda dalka Ogadenia.

Gacan-ku-dhiigle Males wuxuu ahaa horjooge ay ka araddan yihiin dhamaan doodiisa oo dhani aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed, mar walbana la soo taagan sheeko iyo hadal  badan oo aan nuxur lahayn, isagoo lagu xasuusan doono ereyadda aflagaadada iyo cayda ah ee uu ku soo kordhiyey luqadda xabashiga oo ahayd tan uu door bidi jiray inuu ku caytamo. Isla weynida iyo kibirka, faanka iyo faataadhuglaynta, hanjabaada iyo fuleynimo, dabeecad qallafsan, dareen-xumadda iyo gacan ka-hadalka, caadifad iyo qabiil (Tigree), lagu go’doomo oo lagu asaasaqo ayaa ahaan doonta dabeecadaha xasuusteena ku hadhi doona mustaqbalka fog.

Ficillada waxshinimadda ah ee uu ka geestay goboladda Ogadenia muddadii uu noolaa  dambiile Males Zenawi , waa kuwo aan tiro lagu soo koobi karin, isagoo ku kacay markii uu holin waayey geesiyaasha JWXO ee dharaar iyo habeen ba u diiday  jiifka  nuxuusta Woyaanaha (Af-qudhmuun),  inay mar qudha  ku nastaan dhulka Ogadenia, isla kolkaasna ka fuliyaan qorsheyaashooda gurracan ee ay la damacsan yihiin inay ku gumeeyaan shicibkeena sharafta leh, islamarkaasna la hoos  hogan lahaa gumeysiga daallan ee xubnaha qoyska tigreegu indho la’aanta ku hagayaan.

Sida caadada u ah dawacada sumeysan ee naf la caariga ah inay galaafato xoolaha caafimaadka qaba marka ay quus ka istaagto nolol dambe, ayuu aabihii iyo hindisihii Jeelka ugu sumcadda xun dunida ee lagu magacaabo “ Jeel Ogaadeen”, arxan –laawe Zenawi iyo af-qudhmuunta ku ag xeernayd, fuliyeen khiddado iyo barnaamijyo lamid ah kuwii Nazi-gu ku geysteen xasuuqyadii ka fogaa dhaqanka aadamaha mudaddii  uu socday dagaalkii labaad ee dunidda oo malaayiin ruux naftooda ku waayeen.

Wuxuu cuna-qabateyn dhaqaale iyo mid isu-socod ba ku soo rogay dugaagii dad la moodka ahaa dambiile Males  Zenawi, dhamaan gobolada dhulkeena hooyo,  wixii ka dambeeyey dagaalkii  Coballe  ee dhulkeena lagaga sifeeyey dhuuni-laawa-yaashii indhaha yar yaraa, taas oo  ku riday quus  iyo maskax xanuunka uu la god-galay,  ayuu  amray in la dilo dhalinyaradda baadiyaha isaga kala gooshaysa wixii ka dambeyey mudadaas. Wuxuu kaloo,  ammarro isugu jiray daldalaad (ceejin), kufsi iyo barakicin dadweyne ku siiyey maleeshiyaadka ku naaxay dhiiga shacabka Ogadenia  inay ka qaadaan hooyooyinka  gabdhaha awrta  dhaanka ah sida, ceelasha geela loo arooriyo iyo tuulooyinka fog fog ee reer guuraagu  dagan yihiin.

2007-dii, warbixintii ay soo saartay hay’adda Human Right Watch, ayaa lagu soo bandhiga tacadiyadda  ba’an ee ka socday dhulka Ogadenia 21-kii sano ee taliska gabal dhacsaday gumeysanayey Ogadenia, arintaas oo ku  lifaaqnayd sawiro muujinayey tuulooyiw badan oo ay dab qabadsiiyeen wuxuushta Woyaanaha iyo dhidid dhawrkooda, arintaas oo argagax iyo af-kala qaad ku noqotay bulshadda caalamaka markii ay daawadeen inta uu la eg yahay  xasuuqa iyo gumaadka ka socda dalka Ogadenia, oo gumeysigu isku dayey inuu qarsho intii karaankiis ah.

Haddaanse wax yar dib ugu laabto marxaladda iminka taagan iyo riwaayadda raqiiska ah ee  taliska Woyaanuhu dhigayaan, waxaa cad inay doonayaan mar kale siday u sii maamuli lahaayen amase u sharciyeysan lahayeen xukunkooda ku qotoma dilka , boobka iyo duudsiga iyaga oo uga faa’iideysnaya waxkhtigan kala guurka ah inay isku habeeyaan dadkana ku mashquliyaan sheeko aan gadmeynin iyo olole cusub oo ay uga  gol leeyihiin inay ku beerlaxawsadaan  ummadda uu curyaanshay kana dhaarshay xuquuqdoodii aasaasiga ahayd.

Waxaad se moodaa budhcadda argagaxisadda TPLF ee damaaciga waalani ka hayo inay shidhka u galaan gaadhiga darawalkisii dhintay , inaysan lahayn karti iyo xeelad ay kula wareegaan talada wadankaas oo aan ka ahayn inay xukun maroorsadaan; rakaabkana (shacabka), ugu goodiyaan wax u eg qar-iska tuurnimo aan la hubin inta ay gaadhsiisnaan doonto,  cidda kaliya ee la hubo inay  eedi doontana ay  tahay Woyaanaha budh-cadda TPLF),  iyo kuwa xamilay dul-saarnimada (parasite-ka) , iyo adoonsiga af-qudhmuun.

Waxaase cad in uusan ka tagin taliyihii hore ee kooxda af-qudhmuun, diktaatoorkii kharibnaa ee dilka nolosha u haysta, kufsiga dalacsiinta uga dhigayey Eeydiisa dad cunka ah ee’ Jirida Hawaarinta’, xabsi gelintana  u haystay xoriyadd  iyo madax-banaani siin, arxan-laawe  Zenawi, in uusan ku talo gelin amase xisaabtaba ku darsanin in gadaashiis  iman doonto kaalin banaan (Vacuum),  una  baahnaan doonta cidii buuxin lahayd jagadiisa  marka xukunka uu baneeyo.  Wuxuu isugu sheekeeyey in uusan waayadan xafiskiisa ka soconin, islamarkaasna dhanka loo badan yahay iyo dhimasho aysan sugeynin, taliskiisuna waari doono inta ay joogaan kuwo u dhago nugul fulinta falalkiisa laga yaq-yaqsoodo ee ka fog dhaqanka aadamaha.

Shacabka oo soo dhaweeyey Geerida dambiile Males Zenawi:

Waxaa muran ma doonto ah in waa cusubi u baryey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalka Ogadenia, oo sanooyin badan oo cadaadis iyo cidhib-tir-tirid ah kala kulmay Faashiistaha Zenawi. Geeriradda gacan-ku-dhiig lahaa ayaa noqon doonto maalin ku astaysan taariikhda Ogadenia, waa maalin ciid iyo damaashaad mustaqbalka looga dabaal-dagi doono dhulka Soomaali degto oo idil.

Waxaa sidoo kale, qaab ka duwan sida dhaqanka u ah ummadda Soomaaliyeed,  “ooyin iyo baroor” farxaddooda ku muujiyey sida ay ugu maqsuudsan yihiin geeridda arxan-laawe Males Zenawi, shucuubta Itoobiya ku nool oo la filayo inay sagootiyaan si khasab ah maalinta axada  mid kamid ah talisyadii ugu xumaa ee soo mara inta la og yahay taariikhda wadankaas. Waxaase muuqada sida laga daawaday Tv-ga beenta iyo propogaanda-da u faafiya Woyaanaha, muuqaalo fool xun oo muujinayey bah-dil hor leh oo lagu sameynayo dadka , iyagoo lagu qasbayo inay u ooyaan diktaatoorka ilaahay ka dulqaado.

Dhinaca kale, waxaan jeclaan lahaa inaan jawaab uga dhigo ragga faro ku tiriska ah ( Faroole, Shariif iyo Siilaanyo iwm),  ee la sheegay inay u tacsiyadeeyeen dambiile Zenawi, maqaal uu arintan ka diyaariyey , isagoo cinwaan uga dhigay  (Geerida Meles: shido Alle na dhaafiyey dheh), Mr. Abdirahman Salaad, ayaa u soo qaatay sheekadan hoose kuwa u  tacsiyadeeyey dambiile Males.Wuxuuna qoray sidan;

Waqtigii dawladii kacaanku dadka shuuciyada baraysay ayaa waxaa la sheegaa in habeen kamid a habeennada, la isugu yimid mid ka mid ah xarumihii lagu magacaabi jirey Golayaasha Hanuuninta Dadweynaha.

Habeenkii oo dhan baa waxaa la wadey cayaaro iyo khudbadooyin  dhaadheer oo lagu amaanayey Marx, Lenin iyo hogaamiyeyaashii kale ee shuuciyada, muddo haddii arrinkii la wadey uuna soo dhawaadey waqtigii xiritaanka kulanku ayaa nin masuuliyiinti ka mid ah intuu istaagay waxa uu ku yiri oday miskiin ah oo meesha joogay “adeer noo ducee waa gabagabadiiye”.

Odaygii si fudud buu wuxuu ku yiri EEBAHAY nimankaad caawoo dhan amaaneyseen meeshay aakhiro ka soo baxaan ha idinka soo saaro. Odagii inta lagu xanaaqay oo guul-wadeyaal lagu dalbadey baa waxaa la yiri hala xiro, waa kacaandiid dib u socad ahe. Odagii oo yaaban baa waxuu yiri; ar xay tahay nimanku niman fiican ma ahayn miyaa xaad ku diideysaan inaad aakhiro isku meel ka soo baxdaan.

Hadda waxaan leenahay nin kasta oo geeridii Meles si kal iyo laab ah uga tacsiyeeyey, ama yiri wuxuu ahaa halyey ama yiri anaguu naga dhintay Ilaahay aakhiro meeshuu ka soo baxo ha idinka soo wada saaro.

La soco qeybta 2aad.

W/D: Mohamed Ilyas

ONA/Norway.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay