Sidaad nooga barateen waxaan maanta idiin haynaa maqaal aad u xiisa badan oo qoraaga caanka ah Muktar M Omar uu ku qoray shabakadda WardheerNews. Maqaalka oo cinwaano kala duwan leh ayaan soo qaadanay midkiisa hoose ee ah;

Ninkii mooday London mooday Qoraxay: 

Wuxuuna ku bilaabay qoraaga sheeka yaroo qosol leh oo ahayd; Cabdi Maxamad Tarrax Maareeyihii hore ee Haya’adda Qaxootiga Somaliya (Somalia Refugee Commission) ayaa ka soo dagay garoonka London oo aad u qabow 1970-neeyadii, oy ku soo dhaweeyeen dad qaraabadiisa dhow ah. ma hubo laakiinse waxaan u malayn inay ahayd booqasho aan rasmi ahayn ayuu yidhi qoraaga. Arinta xiisaha leh waa saacadihii koobaad joogitaankiisa London waxa laga maqlay. Sheekada ayaa odhanaysa, Tarrax oo uu la socdo nin ay tuulada Xudurayle oo 30 Km Koonfur Bari ka xigta Qabridahare ay isla ahaayeen ayaa jariidad ka soo baxda London isagoo fiirfiirinaya uu saaxiibkiisii la socday isha ku dhuftay sawir kartoon (cartoon) ah oo Boqoradda dalka iyo R/wasaaraha lagu caayayo. Inuu Tarrax u sheegay macnaha iyo inkale ma ogsooni, laakiinse sheekada waxay u dhacday markuu fahmay ninkii macnaha kartoonka inuu yidhaahdo;

“War nimanka sidan madaxdii dalka u ceebaystay xageey joogaan?”

Tarrax ayaa ku yidhi; “Londonayay nala joogaan”

Markaasuu ninkii yidhi; “Oo nimanka maa la figeeyo!!”

Su’aal kama aanay ahayne wuxuu aad ula yaabanaa oo u diidanaa kartidarada Ingriiska. Ninkan reer Xudureyle ee Muqdishu soo maray ka dibna yimid London way ku adkaatay inuu fahmo sida qof Ingriis ah sidaa ugu cayn karo Boqoradii dalka iyo madaxda oo hadana uu gurigiisa nabad isaga jiifo. La yaab ayay ku noqotay, waxaana xusuustiisa ay soo dhufatay haddii nimanka sidaa u caytamay ay joogi lahaayeen Muqdisho ama tuuladiisii boodhka badnayd ee Ogadenya siday xaaladooda ahaan lahayd.

Cadhadiisa dhab ahaan waxay ka soo maaxanaysay siday u kala fogyihiin dunidii uu ku noolaa iyo caalamka uu soo dhexgalay. Wuxuu ahaa nin ay ku qafilan tahay fahamkiisa dawladnimo iyo siday u shaqeeyaan xukuumadaha nidaamkii boqortooyada Itobiya iyo dawladii kacaanka ee Somaliya. Lagumana eedeyn karo oo waligii ma aanu arkin duni kale. Eeda waxaa iska leh ninkii ka soo qaaday tuuladiisa ee keenay caalam kale isagoon fahamsiinin oon ka soo dhaahdicinin inay jiraan xukuumado ka duwan siday ula dhaqmaan shacabkooda Itobiya iyo Somaliya.

Sheekadaa wuxuu ugu gogol xaadhay qoraaga, arinta uu doonayay inuu akhristaha u ifiyo. Wuxuu yidhi qoraaga; Cabdi m. Cumar (Iley) waxaa dhibtay oo ka daadagi weyday aragtida uu ka dhiibtay Gud.Ku-Xigeenka baarlamaanka Kenya mudane Faarax macallin iyo fikradda uu ka qabo Raisal/wasaarihii Itobiya ee dhintay. Sidii dhaqanka u ahaa Cabdi iley wuxuu ku hadlay ereyo ciyaal-suuqnima ah. Maskaxda Cabdi iley waxaa ku jjirta –Kenya may figayso Faarax Macallin – sababtoo ah qofkii hadaladaa ku hadla Itobiya inta la figeeyo ayuu ku dhintaa. Hadii ninkii reer Xudureyle uu ka diday jileeca ka muuqda madaxda Ingriiska ee Boqoradooda lagu caynayo joornaalada, Cabdi Iley waxaa ka daadagi la’ sababta ay dadkoo idil ugu barooran la’yihiin hogaamiyihiisii Zanawi. Fikradda uu aaminsan yahay waa Faarax Macalin iyo dhamaan siyaasiyiinta Gobolka waxay ahayd inay ka soo qaybgalaan iyagoo barooranaya aaska Meles Zanawi oy ku dhawaaqaan wanaagiisii. Caalamka uu ku noolyahay ayaa sidaa ah. Waxaana la yidhaahdaa jahliga waa difaaca ugu fiican ee lagaga hortago wixii caqligal ah (Logic). Cabdi iley wax dambi ah kuma laha arintaa. Waxaa shacbiga Ogadenya dambiga ka galay xukuumadda Tigreega ee jaahilkaa gacan-ku-dhiiglaha ah madaxda uga dhigay Ogadenya.

Intaa ka dib wuxuu qoraaga u wareegay cinwaan kale oo ku saabsan Universal TV oo uu ku sheegay inay hab takoorid ah ku shaqaystaan oo ka baxsan sharafta warfaafineed, iyagoo baahiyay caydii Cabdi iley oo midab-takooridda (racism) ahayd, isagoo ku sheegay –adoon- Faarax Macallin. Iska ilow buu yidhi qoraaga inuu ku tilmaamo cabdi iley adoon qof xor ah oo hadalkuu doono ku hadli isagoo u shaqeeya xukunka macangaga (autocrat) ah ee Itobiya oo aanu qofna hadli karin isagoon fasax ka haysanin madaxdiisa joogta Adisababa. Hadaan iska ilowno ereygan cunsuriga ah ee ka soo baxday afka Cabdi iley taasoo muujinaysa un heerka uu joogo fikirkiisa iyo jahliga ka haysta waaqica dunida maanta. Sidoo kale aanan waxba ka soo qaadin in caqliga Cabdi iley uu adoon u haysto ninka caalamka ugu awooda badan M/weyne Mareykanka Mr. Barak Obama. Oon meel iska dhigno xaqiiqada ah in muuqaalka Cabdi iley marka la fiiriyo uu uga ekyahay –Bantu- Mr. Farax Macallin, oon meel iska dhigno ereygan cunsuriga ah ee lagu liido qabiilada Somaliyeed ee Bantu-ga ah ee hareeraha wabi Shabeele daga ee Cabdi iley uu sheegto inuu M/weyne u yahay. Sababtoo ah –Ciyaal-suuqnimodiisa- dabiici ah laguma xallin karo caqliga iyo talooyinka ay siinayaan la-taliyaashiisa, aflagaadada noocan oo kale ahna waxay afkiisa ka soo baxdaa nin ay shaqsiyadiisa liidato. Arintase aad looga argagaxo waa inay Universal TV sii daayaan aflagaadada noocanoo kale ah iyagoon xeerin dadweynaha dhibsanaya eryada noocanoo kale ah. ka dib wuxuu qoraaga weydiiyay UnTV; aaway akhlaaqdii warbaahineed (media ethics) aaway masuuliyadii bulshada idinka saarnayd (social responcibility)?

Jawaabta uu ka bixiyay Faarax Macallin aflagaadada Cabdi iley waxay ahayd mid qarxisay maskaxdiisa isagoo yidhi; waxaan ku mashquulsnahay daryeelka 20,000 ee guryahoodii uu ka soo qixiyay Cabdi iley. Afhayeenka barlamaanka sharafta leh wuxuu xasuusiyay in Kenya marka uu Madaxweynaha hadlo ay dadka dhagaysanaya ka daba qaadan karaan oo su’aalaha ay doonaan ay weydiin karaan, si indha la’aan ahna uguma sacbiyaan iyagoo ka cabsanaya inay su’aal ka keenaan wuxuu sheegay sida uu yahay dhaqanka Itobiya ee cabdi iley uu ku barbaaray. Cadhada Cabdi iley waxay ka shaqeysaa un meesha uu ku figeeyo kaadiriinta kuwaasoo aan hadal ku soo celin karin wuxuu yidhaahdo inay sacabka u tumaan mooyaane.

Ka dib wuxuu qoraaga aad ugu dheeraaday arintii ka dhacday maalin dhaweyd Nairobi ee fanaanada laga soo diray Jigjiga ee Nimco ay dhalinyaro gadoodsan kaga soo tureen stage-ka. Wuxuu cinwaan ahaan u doortay – Xaaladda Nimco ma u dhigantaa middii Ridwan? Qaybtan oo u qoran hab aad sareysa, wuxuu ku bilaabayaa qoraaga habaar uu ka soo xigtay kitaab uu qoray Michael Moore oo ujeedadiisu ahayd inuu Ilaahay ka dhigo mudanayaasha Congress-ka Mareykanka qaar cudur qaba, qaar madow ah, qaar uur qaada sidii dumarka, isagoo ula jeeda inay dareemaan dhibaatada haysata dadka ay haysato dhibaatooyinka noocaa ah. Intaa ka dib wuxuu daleeceeyay qoraaga dadkii ka dambeeyay dhibaatadii loo gaystay fanaanada Nimco Dareen, taasoo wax u dhimaysa buu yidhi xoriyadeedii shaqsiga.

Laakiin, in aan dhanka kale ka eegno arinta Nimco ayuu yidhi qoraaga, ma keeneyso in aan taageersanahay ama u qiil bixinayno dhibka loo gaystay. Nimco Dareen ma’aha fanaanad caadi ah oo ka heesta jacalyl oo kali ah, ee waxay kaloo ka heestaa arimo siyaasadeed. Waxay xidhantahay dharkii Liyu Booliska. Isla waqtigan waxaa la sheegayaa inay magacyada kuwii weerary ay qoreyso oy safaaradda Itobiya u dhiibtay oo aanay dawladda Kenya ka dacweynin oo ah dawladda amaankeeda iska leh. Tikitka dayaaradda ay ku timid waxaa bixisay dawladda Itobiya. Waxay la qadeysaa sirdoonka Itobiya.

Waxay kula xamataa cayda ONLF sirdoonka Itobiya. Arintaa ma’aha dacaayad raqiis ah waa xaqiiqa jirta oo akhristayaasha ay soo ogaan karaan hadday baadhaan. Taasoo jirta hadana in korkeeda la weeraro oo dhib loo geesto ma’aha, ra’yiga qoraaga maqaalka.

Waxaa ficnaan lahayd buu yidhi qoraaga in Nimca dareen ay habeen ka soo tuusto meeshii ay ka soo tuustay Ridwaan Xassan Saahid oo ahayd gabadhii sida cajiibka ah uga badbaaday xasuuqii ka dhacay Qorille 2007kii. Markaa ayay ogaan lahayd Nimco dareen dambiga ay ka galayso gabdhaha la dhashay ee jooga Ogadenya. Waxaa hubaal ah haddii ay la kulmi lahayd waxay la kulantay Ridwan in aanay jidhkeeda quruxsan ka mushtarteen oo aanay dhibaatada gabdhaha walaalaheed ah meel ku tuurteen.

Haddii Jigjiga, Dhagaxbuur iyo Fiiq ay xor yihiin, Nimco iyo kuwa la midka ah ee ku heesa barwaaqada taala Ogadenya halkaa haka qaadeen heesahaa. Cadaalad ma’aha dadka jooga dalalka xorta ah ee London, Minnesota, Perth iyo Copenhagen in looga sheekeeyo kuwii ay ka soo tageen een nasiibka u helin inay ka soo cararaan cadaadiska iyo cadaalad darada taala gobolka. Waxay ahayd hadday run sheegayaan kuwa aaminsan inay xoriyad ka jirto Ogadenya inay halkaa aadaan oy nooga tagaan intanada dagaal-oogayaasha ah een xaqiiqada la soconin wadamada qabowga lala joogi la’yahay. Ama waxaan dhahnaa dadka ku nool gobolka Ogadenya way ka hooseeyaan bani aadamka oo waxay ogolyihiin cadaadiska, meesha ay Nimco Dareen iyo kuwa –Raaxaysta- ay ku faraxasan yihiin – free press, free speech, free association, free thinking in democratic distant lands? Fairness, please! ayuu ku soo gabagabeeyay maqaalkaa xiisaha leh qoraaga.

Halkan hoose ka akhriso isagoo Ingriisi ah;

Guji halkan :

 Muktar M Omer
WardheerNews contributor
Email:Muktaromer@ymail.com

 

 

 
 

2 Comments

  1. Dulmi diid says:

    Asc Mukhtaatoow maqaalkaagu waa mid caddaladda ka fog waxaadna tahay nin dhinacu batay , dhulka aynu ka nimid waa ogadenia dhib badan wuu soo maray maantase waxbadan baa isbadalay eebal mar soo arag adoon lagaaga sheekaynin soo qiimee qorigana iska dhig hanaanka JWXO xal ma aha.
    wabillaabi altowfiiq.

  2. wiil_jwxo says:

    Magaca aad wato iyo hadalkaagu isma laha laakin kula yaabi maayoo dadka noocaga oo kale ah waxay qodob doodeed ka dhigteen na soo araga kuwii soo arkay ayaa jeel ogaden ka buuxee ma waxaad rabataa in aaad ku darto oo aad shir qool usamayso.

    mida kale waaad riyoonaysaa ayaan umaleene bal kac oo toos dulmidiid awoow istoosi

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay