Sidaad nooga barateen waxaan maanta idiin haynaa maqaal aad u xiisa badan oo qoraaga caanka ah Muktar M Omar uu ku qoray shabakadda WardheerNews. Maqaalka oo cinwaano kala duwan leh ayaan soo qaadanay midkiisa hoose ee ah;

Ninkii mooday London mooday Qoraxay: 

Wuxuuna ku bilaabay qoraaga sheeka yaroo qosol leh oo ahayd; Cabdi Maxamad Tarrax Maareeyihii hore ee Haya’adda Qaxootiga Somaliya (Somalia Refugee Commission) ayaa ka soo dagay garoonka London oo aad u qabow 1970-neeyadii, oy ku soo dhaweeyeen dad qaraabadiisa dhow ah. ma hubo laakiinse waxaan u malayn inay ahayd booqasho aan rasmi ahayn ayuu yidhi qoraaga. Arinta xiisaha leh waa saacadihii koobaad joogitaankiisa London waxa laga maqlay. Sheekada ayaa odhanaysa, Tarrax oo uu la socdo nin ay tuulada Xudurayle oo 30 Km Koonfur Bari ka xigta Qabridahare ay isla ahaayeen ayaa jariidad ka soo baxda London isagoo fiirfiirinaya ayuu saaxiibkiisii la socday isha ku dhuftay sawir kartoon (cartoon) ah oo Boqoradda dalka iyo R/wasaaraha lagu caayayo. Inuu Tarrax u sheegay macnaha iyo inkale ma ogsooni, laakiinse sheekada waxay u dhacday markuu fahmay ninkii macnaha kartoonka inuu yidhaahdo;

“War nimanka sidan madaxdii dalka u ceebaystay xageey joogaan?”

Tarrax ayaa ku yidhi; “Londonayay nala joogaan”

Markaasuu ninkii yidhi; “Oo nimanka maa la figeeyo!!”

Halkan ka akhri maqaalka oo dhamaytiran ..

Halkan ka dhagayso Jawaabtii mudane Faarax Macallin;

[audio:http://www.ogadennet.com/wp-content/uploads/2012/09/Gudoomiye-ku-xigeenka-koowaad-ee-Baarlamaanka-Kenya-Faarax-Macalin1.mp3|titles=Gudoomiye-ku-xigeenka-koowaad-ee-Baarlamaanka-Kenya-Faarax-Macalin1]

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay