waxaa  shir heersare ah isugu yimid ururka haweenka somalida Ogadenia ee dalkan finland. shirkaas oo kadhacay xafiiska jaaliyada soomaalida Ogadeniya.

Sidookale waxaa shirka kala qaybgalay masuulyiiin ka tirsan maamulka oysu oo seminaar siiyey haweenkii isugu yimid shirkaas.

wuxuu ahaa shir ay isugu yimaadeen dhamaan haweenka ku nool dalkan finland wuxuuna ahaa shirweynihii ururka haweenka ee sannadkan 2012.

shirkaas oo bilowday abaarihii 4:00galabnimo 1 Septemper  ayaa waxaa shirka furay gudoomiyaha haweenka marwo aamino jwxo oo ka warbixisay waxqabadkii maamulka haweenka.

warbixinta gudoomiya haweenka kadib ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay xoghaynta haweenka oo soo bandhigtay waribxin i’tus oo itaabsii ah.

kadib waxaa meesha lagasoo jeediyey seminaaro ay soo jeediyeen qaar ka mid ah  midowga dhalinyarada OYSU.

shirkaas ayaa soo gabagaboobey abaarihii 10:00 fiidnimo.

wuxuuna ksuoo dhamaaday sidii loogu talogay.

C/raxman Jarari

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay