Shirweynihii Jaaliyada S.Ogaadeeniya ee Kenya.

 

Waxaa maanta magaalada Nairobi ka dhacay shir ayisugu yimaadeen Xubanaha Jaaliyada Nairobi waxaan shirka ku weheliyey mas’uuliyiin ka socotay Jaaliyadaha Ogaadeeniya ee qaarada Yurub.

Guud ahaan shirka oo ka duwanaa shirarkii hore ee jaaliyada ayaa wax uu kulmiyey munaasabado badan oo ay kamid tahay Sanad-guuradii Jwxo iyo munaasabada kale ee Jaaliyadaha Ogaadeeniya u dabaal dagayaan ee bakhtiga Zanawi.

Waxaa Shirkan  kasoo qaybgalay  Xubanaha Jaaliyada Ogaadeniya ee Nairobi,mas’uuliyiin JWXO,Aqoonyahano Ogaadeeniya u dhashay   Waxana Halkaas Khudbado ka jeediyay Masuuliyiinta Jaaliyada Nairobi iyo Kuwa martida ah Khudbadahan Ayaa kusabsanaa  Halganka Xaq udirika ah ee Waxaa iyana halkas kahadlay qaarkamida Xubnihi Goobta Fadhiyay oo Siwaafi ah usoo Gudbiyay Fikirkooda  Jaaliayad Soomaalida Ogaadeeniya.

 Oogu horeyn  khubadaha Laga jeediyey ee munaasabadaha ku aadanyaa ayaa waxaa ka hadlay oo khudabada dheer ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Netherland Mudane Bashiir yusuf oo ka warbixiyey saamaynta Geerida Zanawi ku leedahay Qoyska uu ka soo jeedo ee Tigreega iyo xusuusta ay ku reebatay dhibaadatii uu u gaystay kumaananka reer Ogaadeeniya aha.dhanka kale waxaa munaasabada ka hadlaay Profeser Yusuf Cadami oo dhalinyarada geeska Afrika gaar ahaan kuwa Kenya ooga mahadcelieyey doorka  firfircoon ee ay ka qaateen halganka gobanimo doonka wuxuun Profeser  ku ku guubaabiyey in guntida la adkaysto tan iyo  inta  laga gaadhayo xornimada qaaliga aha ee aan higsaneyno ayuu yidhi Profeser Yusuf Cadami oo la hadlayey dadweynihii shirkaas jioogay.

Xubanaha Jaaliyada Ogaadeeniya ee Magaalada Nairobi ayaa Munaasabada maanta si gooni aha  isha oogu hayey Xuskii aas aaska Jwxo oo maalmhana jaaliyadaha Ogaadeeniya xusayeen sidoo kalena waxay aad ooga doodeen kor u qaadida kaabayaasha halganka iyo sidii loo kobcin lahaa garaadka da’yarta jwxo looguna barbarian lahaa higsashada xornimada halganka dheer loogu jiro.


 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay