Wafti uu hooggaaminayo H.A.DH Cabdiraxmaan mahdi oo soo dhaweyn diiran la kulmay
Wafti heer Sare ah oo kasocda Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ayaa kulan la qaatay iyo qado sharaf masuliyiinta Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee kenya oo ka kooban qeybaha bulshada sida Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo waxgaradka taariikhdu markay aheyd 08/09/2012.
Waftigan ayaa ahaa wafti kasocday Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya oo islamarkaasna u joogay wadanka Kenya wada xaajoodka Ururka ONLF iyo Gumeysiga Ethiopia uga furmay wadankaas Kenya. Waftiga oo hada kasoo laabtay wadankaas Kenya ayaa jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Kenya lawadaagay warbixino ku aadan halganka Shacabka Somalida Ogadeniya.
Ururka Haweenka ee Jaaliyada somalida Ogadneiya ee Kenya ayaa qeyb weyn ka ahaa kulankan. iyaga oo ururka haweenku ay hadalo dhaxal gal ah kasoo jeediyeen kulankan. sidoo kalena waxay haweenka S.Ogadeniya ku faaneen masuliyiinta Jabhada ONLF ee ku sugnaa wadanka Kenya. Haweenka ayaa ku cel celiyay in awooda Ururka ONLF inaan la maquunin karin iyaga oo sheegay gumeysigii madooba ee Abbysinia innuu jabay.
Waftiga kasocda JWXO oo soo dhaweyn diiran kala kulmay shacabka iyo Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka Kenya ayaa halkaas dhinacooda warbixintoda kadib ammaan iyo mahad naq usoo jeediyay shacabka Somalida Ogadeniya ee Geesiyiinta ah ee aan marna madaxoodu(qabkoodu) hoos u dhicin islamarkaasna ku dhiiraday inay diidaan lana daggaalamaan Guumeysiga.
Sidoo kale waxa si gaar ahaaneyd ay ugu mahad celiyeen Jaaliyada Wadanka Kenya ku nool. Iyaga oo si gaar ahaaned u xusay qaxootiga faraha badan ee magan galyada ku jooga wadankaas.
Shirkan ayaa waxa kale oo looga hadlay xasuuqa Ogadeniya kasocda ee u danbeeyay Xasuuqi Qoriile 17 qof lagu laayay halka dad kor u dhaafaya tobaneeya kalena geeri iyo nolol aan lagu heyn.
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=15762



















