1914kii ayaa waxaa loogu yeedhay Khilaafadii Cismaaniyada (the Ottoman Empire) ee dalal badan oo Islaam ah iyo qayba ka mid ah Yuruba xukuntay –Ninkii jiranaa ee Yurub – (The sick man of Europe), taasoo loola jeeday inay soo dhawaatay markii ay kala qaybsan lahaayeen xoogagii Yurub ka jiray waagaa oo duljoogay iyagoo sugaya inay iilka dhigaan ka dibna ay dhaxlaan. Sidaa umbayna u dhacday. Haatan laga soo bilaabo 1980kii ilaa maantadan aan joogno waxaa dultaagan Jamhuuriyadii Somaliyeed ee ugu dambayntii burburtay 1990gii, dawladah Geeska Afrika ee xadka la leh Somaliya, gaar ahaan Itobiya oo isu diyaarisay in loo gooyo qayb libaax iyo Kenya oo doonaysa inay feenfeenato wixii ka soo hadha Itobiya.

 Arinta inay sidaa u dhacdo iskama imaanine waxay qayb ka tahay qorshe la dajiyay waaya hore oo loogu talagalay dhamaan caalamka islaamka in dib loogu celiyo si toos ah ama si dadban gumaysigii.

 Itobiya oo waligeedba dhex boodi jirtay kana faa’idaysan jirtay colaadaha iyo hardanka ka dhexeeya Masiixiga iyo Islaamka ayaa waxay dalban jirtay markasta oo laga hadlayo muslimiinta Geeska Afrika in qayb laga siiyo dhulka Somaliyeed. Arintaa oo soo taxnayd laga soo bilaabo qarnigii 15aad, Itobiya oo fursad walba oo timaada ka faa’idaysan jirtay kuna sii siqi jirtay dhulka Somalida ay ka dagan yihiin Geeska Afrika ayaad moodaa hadda inay isu diyaarinayso gabgabadii siqiddii ay soo bilowday qarnigii 15aad.

 Arin la dhayalsan karo ma ah hadaladii laga sheegay inay tidhi haweenayda Jindayi Frazor oo ahayd ergayga Mareykanka u fadhiya QM (UNO). Frazor waxay ku adkaysay carabkeeda in aanay cadaalad ahayn in 80 malyan oo Itobiyaan ah aanay lahaanin irid badda uga furan, 10 malyan oo Somali ahna ay yeeshaan xeebta ugu dheer Afrika. Shacabka Somaliyeed meel ay joogaanba way fahameen baaqa ay gabadhaa siisay, hasa ahaatee siyaasiyiinta ku looltamaya kuraasta magac u yaalka ah waxaad moodaa ilaa waqtigan la joogo inay u shaqeynayaan sidii damaca Itobiya iyo Kenya oo daba taagan ay u hirgali lahayd.

 Maanta waxaa ka jira Somaliya 5 madaxweyne, inkastoo midkood un uu aaminsanyahay inuu ka madaxbanaan yahay 4ta kale, hadana Itobiya waxay ula dhaqantaa dhamantood sidii iyagoon lahayn wax xidhiidh sokeeyonimo ah oo gobolo kala gooni ah ay yihiin, isla markaana mid walba goonidiisa ayay ugu yeedhaa markay doonto una siisaa wixii fariima ah, xataa haday tahay amar la siinayo oo ah inay ku duulaan gobolka dariska la’ah ama qabiil ka mid ah qabiilada dagan meesha.

 Itobiya ma ictiraafayso inay muujiso inaysan aqoonsanayn wax la yidhaahdo xukuumad Somaliyeed oo ka madax banaan maamulkeeda. Waxaana daliil u ah habka ay ula dhaqanto kuwa sheeganaya inay yihiin DFKG ee Sh. Shariif uu madaxda ka yahay. Maalintii ugu horeysay ee booqashada uu ku tagay Addisababa mudane Maxamad C. farmaajo oo noqday R/wasaaraha xukuumada FKG waxaa lagu sheegay TV-ga Addisababa inuu u yahay ra’iisal wasaare dad gaaraya 2ba malyan oo qof. Itobiya ujeedada ay ka lahayd waxay ahayd inay fahamsiiso inuusan kala hadli karin Itobiya wax ka baxsan xadka Banaadir gaar ahaan Muqdisho iyo agagaarkeeda inta dagan.

 Somalida maanta hal wado oo kali ah ayaa u furan. Waa haday doonayaan inay soo celiyaan qaranimadoodii. Inay u soo daadagaan xaqiiqada oy ka baxaan riyada ay ku jiraan. Inay waaqica dhabta ah u soo daadaagaan oo aanay isku maaweelinin wax aan jirin. Itobiya waxaa ka go’an inay liqdo Somaliya oy xad ku yeelato xeebta dheer ee Badweynta Hindiya (Indian Ocean). Wadada ay u mareysana waa la wada arkaa.

 Somalidu hadday doonayaan inay jiritaankooda sugaan waa inay marka hore joojiyaan colaada dhexdooda ah, ka dibna ka xoroobaan cabsida ay ka qabaan askariga maxaysatada ah ee laga soo dirayo Addisababa oy wahanka saaran iska dulqaadaan. Waa inay ku daydaan ciidanka yaree ONLF-ta ah ee diiday inuu u hogaansamo gumaysiga Itobiya ee maanta baday Itobiya inay ka daydayaydo dacalada caalamka qaar ay ku sheegto inay yihiin ONLF oy wadahadal iyo heshiis la gashay. Inkastoo xataa maamulada Somaliya ka jira ay la safteen Itobiya una dhiibaan xubnaha ONLF loo garto hadday soo galaan maamuladooda.

  Intii nin walaalkaa ah oo Somali ah oo muslim ah ay Itobiya kuu soo adeegsan lahayd maxaa idiin diidaya in aad dhalanteedka ka baxdaan ood wada aragtaan khiyaanada Itobiya iyo waxa ay maagantahay.

Waxan loogu yeedhay maamul goboleedyada, iyo xukuumadaha aan jirin ee Xamar iyo Hargaysa kala fadhiya ama jihaadka loo adeegsanayo in qof muslim ah lagu dhibaateeyo intaba waxaa ka dambeeya gacan shisheeye waxayna dan u tahay hadafkii Itobiya ee ahaa inay Somaliya qabsato tobanaan sano ka dibna ha ahaatee.

 

Xigasho: Somalistar iyo Somalimidnimo  

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay